Monthly Archives: May 2017

Dowladda Federaalka oo soo saartay waqtiga shaqada Shaqaalaha dowladda ee Bisha Ramadaan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay waqtiga shaqada shaqaalaha dowladda ee bisha Ramadaan, iyadoo is bedel lagu sameeyay saacadihii ay shaqeyn jireen shaqaalaha dowladda. War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu sheegay in bisha barakeysan ee Ramadaanka ay shaqaalahadowladda waqtigooda shaqo loo bedelay 9-da subaxnimo illaa 3-da galabnimo. Shaqaalaha dowladda ...

Read More »

Maxkamadda sare ee dalka oo amartay in dib loogu laabto doorashada 8-dii kursi ee lagu muransanaa

Maxkmadda sare ee dalka ayaa maanta soo saartay, xukun ay ku laashay doorashada 8 ka mid ah 11kii kursi ee ay horay u laaleen Guddigii xalint khilaafaadka ee doorashooyink dadban ee heer federaal. Dacwad soo socotay in ka badan 5 bilood ayay Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxay 16-kii bishii May oo ah 10-maalmood ka hor ay baabi’isay go’aankii Madasha ...

Read More »

Nin dad ku Rasaaseeyay Degaanka Bacad-weyn

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Bacad-weyn ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu Rasaaseeyay dad shacab ah. Nin la sheegay in uu xanuunsan yahay ayaa Rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa Degaanka Bacad-weyn ee Gobolka Galgaduud. Inta la xaqiijiyay Rasaastaasi ayaa waxaa ku geeriyooday 1 Qof, halka sidoo kale ay ku ...

Read More »

DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay Wafdi Caalami ah

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa saaka subax nimadii 24, May, 2017, qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya Mr. Justin Brady oo uu wehelinayo madaxa xafiiska UNOCHA ee  Puntland Mr. Francis Lenoh. Kusimaha Madaxweynaha iyo madaxda ka socotey hay’adda UNOCHA ayaa waxa ay kawada hadleen wadashaqayntii wanaagsanayd ee ...

Read More »

Weerar kale oo UK looga Cabsi qabo

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Ingariiska ayaa ku dhawaaqday in ilaha sirdoonka dowladda UK ay soo gudbiyeen xoggo muujinaaya Weerar la mid ah Midkii ka dhacay Magaalada Manchester in uu ka dhaco Magaalooyinka kale ee dalka Ingariiska. Ra’iisul wasaaraha dalka ingiriiska Theresa May ayaa Amar ku bixisay in baaritaano deg deg ah laga sameeyo guud ahaan dalka oo dhan. Kooxda Daacish ayaa ku ...

Read More »

Chelsea iyo Bayern Munich oo wadnaha jaray Jose Mourinho

Kooxaha kubada cagta ee Chelsea iyo Bayern Munich ayaa waxa ay dhankooda kusoo biireen kooxaha doonaaya saxiixa xiddiga difaaca kaga ciyaaro kooxda Tottenhan Klye Walker sida uu manta qoray wargeyska Express Sports. Kooxda Manchester united ayaa  xiisaynaysa xiddigaan in ay Tottenham kaga bedeshaan daafac bidix ee Luke Shaw. Laakiin waxaa la rumaysay yahay in ay tartanka kusoo biirtay kooxda ku ...

Read More »

R.W Kheyre oo Maanta tagaya Sh/hoose May 24, 2017

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu maanta booqdo Saldhiga Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degaanka Bali doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Mudane Kheyre ayaa lagu waddaa in uu la kulmo Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaanka Bali doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa uu sheegay in ciidamada halkaasi ku sugan ay qaadi ...

Read More »

Weerar lagu dilay Tababarihii Kooxda Bariga Dhexe iyo Cayaartoy la dhaawacay

gaari yar oo ay wateen Macalin ku xigeenka kooxda Bariga Dhexe iyo Laba Cayaartoy oo ka tirsan Kooxda Elman ayaa waxaa lagu Rasaaseeyay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, gelinkii dambe ee maanta. Tabare ku xigeenkii Kooxda Bariga Dhexe oo ka dhisan Degmada Afgooye ayaa ku dhintay Rasaastaasi, waxaana la dhaawacay C/laahi Mayow oo kooxda Elman u wata Lambarka 24-aad iyo Cumar ...

Read More »

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Mareykanka oo kulan kooban ku yeeshay Riyadh

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku kulmay magaalada Riyadh ee Sacuudi Carabiya. Kulankan oo ahaa mid kooban ayaa dhacay, kaddib markii la soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii Madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa. Dowladda Mareykanka ...

Read More »