Qarax ka dhacay gobolka Bari May 31, 2017

0
24

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in meel u dhow degaanka Galgala in uu ka dhacay Qarax Miino oo Khasaare geystay.

Sida ay Xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland Qaraxaasi , waxaa ku dhintay Haweeney uur laheyd iyo seygeeda waxaana uu ka dhacay toga Balikhadar oo u dhow degaanka Galgala ee gobolka Bari.

Gaari ay Saarnaayeen labadaasi qof ayaa waxaa la sheegay in ay miino la kacday xilli ay kusoo jeedeen degaanka Galgala.

Degaannada u dhow dhow buuraha Galgala, waxa tiro dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada maamulka Puntland iyo Ciidamo taabacsan Kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here