Madaxweynaha Jubbalad oo ku laabtay Kismaayo May 30, 2017

0
61

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, xubnaha labada Gole ee Jubbaland iyo masuuliyiin kale.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula halday Hoolka nasashada Garoonka Diyaaradaha ayaa ka hadlay safarka uu ku tagay Cadaado, wuxuuna sheegay Caleemo saarkii Madaxweyne Xaaf in uu ahaa mid si heersaro loo soo agaasimay.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka hadlay kulan Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ku dhexmaray magaalada Cadaado, kaasi oo ay kaga hadleen xaalada magaalada Gaalkacyo.

Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa shalay magaalada Cadaado waxa uu uga qeyb galay xafalada caleemo saarka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here