Gen. Cirfiid oo kormeeray xeryaha Ciidamada ee Cadaado May 30, 2017

0
105

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) iyo saraakiisha Ciidamada qeybta 21-aad ayaa waxa ay tageen xeryaha Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Duleedka magaalada Cadaado.

Sareeye Guuto C/laahi Aadan Xuseen Taliyaha Ciidamada Xoogga qeybta 21-aad ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu uga warbixiyay xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga qeybta 21-aad.

Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahiyaha Ciidamada.

Sareeye Gaas Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay gaaray magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, halkaasi oo ay ka dhaceysay xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here