DF oo ka hadashay diyaarada ku soo dhacday Garoonka Aadan Cadde May 30, 2017

0
60

Dowladda Federalka Somaliya ayaa ka hadashay diyaarada maanta ku soo dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay saarnaayeen dad ajaanib ah.

Agaasimaha Hay’adda Duulista Iyo Saadaasha Hawada Cali Axmed Macalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaaraddan laga lahaa dalka Mareykanka, waxaana wararka ay sheegayaan inay lahayd shirkadda Bancroft oo ah shirkad amni oo ciidamada Amisom ka taageerta dhanka ammaanka iyo tababarka ciidamada.

Agaasimaha ayaa sheegay diyaaradan inay ka timid dalka Uganda, dhawr marna ay isku dayday inay dagto, balse lugaha oo u bixi waayay, ugu dambeyn duuliyihii waday diyaarada uu go’aansaday inuu xabadka dhulka u dhigo diyaarada, sidaasina uu ku dajiyo.

Diyaaradda ayuu sheegay inay waddey Kaargo, ayna saarnaayeen 4 shaqaale ah ayna badqabaan dhammaan shaqaalahaasi oo wax dhibaato ah aysan soo gaarin.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay inay dib u celiyeen diyaarado badan oo ku soo socday magaalada Muqdisho, qaarkoodna ay joogaan Gaalkacyo, Baydhabo, Hargeysa, Wajeer ayna imaan doonaan badi caawa oo noqon doonta markii ugu horreysay oo diyaarado ay habeen ka soo degaan garoonka Muqdisho.

Diyaaraddan ayaa saameysay saacado in garoonka Aadan Cadde aanu shaqeyn, maadaama ay ku dhacday halkii ay diyaaradaha ku soo degi lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here