Vladimir Putin oo booqanaya Paris May 29, 2017

Madaxweynaha Dowladda Ruushka ayaa maanta lagu waddaa in booqdo Magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska sida ay shaacisay Madaxtooyadda Ruushka.

Vladimir Putin ayaa lagu waddaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha cusub ee Faranciiska Emmanuel Macron.

Waa kulankii ugu horreeyay ee ay yeelanayaan labada mas’uul tan iyo markii bilowgii bishan la doortay Mr Marcon.

Intii uu socday ololaha doorashada ayuu madaxweynaha Ruushka martigeliyay hogaamiyaha midigta fog ee Faransiiska ee Marine Le Pen, halka kooxda Mr Macron ay Ruushka ku eedaysay inay ku soo qaadeen weerraro dhanka internetka ah oo soo laablaabtay.

Paris iyo Moscow ayaa muddo dheer ku kala aragti duwanaa arimo ay ka mid yihiin qaabka loo xallin karo colaadda Suuriya, iyo qabsashada Ruushka ee gobolka Crimea.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*