Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howl galada xasilinta ee ka bilaabanaya Muqdisho

0
226

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howl galada xasilinta ee dhowaan lagu wado inuu ka bilowdo magaalada Muqdisho, kaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan howl gal lagu sugayo Muqdisho, ka hor bisha Ramadaan.

“Howl galada dhowaan ayay bilaaban doonaan, waxay ciidamada amniga guri guri u baari doonaan magaalada, si loo xasiliyo amniga Caasimadda”ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in bisha Ramadaan ay Al-Shabaab kordhiyaan weerarada, isagoo xusay in sababaha howl galada loo bilaabanayo ay ka mid yahay in la sugo ammaanka.

Golaha Wasiirada ayaa dhowaan soo bandhigay go’aano lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda, iyadoo la sameeyay ciidan isku dhaf ah oo ka qeyb qaadan doona howlaha sugida magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here