Boqorka Sacuudiga Carabiya oo casuumaad labaad u soo diray Madaxweyne Farmaajo

0
182

Boqorka Sacuudi Carabiga Boqor Salmaan Bil Abdulaziz ayaa warqad casuumaad u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Safiirka Sacuudiga u fadhiya Kenya Dr. Mohammed Abul-Ghani Khayat ayaa Madaxweynaha ku wareejiyay warqada casuumaad ah oo loo soo dhiibay, kaddib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay danaha labada dal ay wadaagaan iyo arrimo dhowr ah, iyadoo Sacuudiga xilligan xoojiyay cilaqaadka uu la leeyahay Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Riyadha uga qeyb galaya shirka Dalalka Islaamka iyo Mareykanka oo uu Boqorka Sacuudiga marti gelinayo.

Inkastoo aan waqtiga uu dhacayo shirka la sheegin, hadana waxaa uu noqonayaa shirkii u horeeyay ee noociisa ee dhex mara Mareykanka iyo wadama Islaamka.

Dhamaadkii bishii February ee sanadkan ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo booqashadii u horeysay ku tagay Sacuudiga Carabiya, kaddib markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa illaa 7 safar galay tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana la xusuusta in Madaxdii hore inuu ku dhaleeceyn jiray safarada badan, balse waxaa uu hada ogaaday inay safarada yihiin lagama maarmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here