Al-Shabaab oo sheegay in 7 ka tirsan ciidanka Kenya ku dileen qarax

0
16

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen 7 askari oo ka tirsan Milateriga Kenya, kaddib markii ay sheegeen inay la beegsadeen qarax miino agagaarka deegaanka Hoosingow ee Jubadda Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in kolonyo ciidamada Kenya oo sahay u gudbineysay Ciidamada uga sugan Soomaaliya oo ka yimid gudaha Kenya lala eegtay qarax miino.

Al-Shabaab ayaa baraha internet-ka ku soo qoray inay mid ka mid ah gawaaridii Ciidamada Kenya ay ka gubeen, kaddib markii uu qabsaday qarax miino.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Kenya oo ku aadan qaraxa miino ee lala eegtay gaadiidkooda.

Ma ahan markii u horeysay ee Kolonyada Ciidamada Kenya qaraxyo lala eegto, dhowaan ayay aheyd markii qarax lagula eegtay kolonyo mareysay inta u dhaxeysa Dhoobley iyo Qooqaani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here