Monthly Archives: March 2017

Hay’ada u dooda Xuquuqda aadanaha oo ka hadashay duqeyn lagu diley qaxooti Soomaali ah

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Right Watch (HRW)  ayaa ku tilmaantay  in weerarkii ay xulafada uu Sacuudiga hogaaminayo ku qaaday doon dad rayid ah oo Soomaali ah saarnaayeen oo maraysay xeebta Yaman ay u badan tahay inuu dembi dagaal ahaa. HRW ayaa xustay in goobjoogayaal ay sheegeen  in 16-kii Maarso 2017 ay diyaarad helikobtar ah duqeysay doonta halkaasi oo ay ...

Read More »

Ciidamada Itoobiya oo la sheegayo inay isaga baxayaan degmada Ceelbuur

Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ay isku diyaarinayaan inay isaga baxaan degmadaas. Sida ay sheegayaan warar laga helay dadka deegaanka, Ciidamada Itoobiya ayaa tan iyo xalay ku guda jiray diyaar garow guuritaan ah. Wararka ayaa sheegaya in gawaari fara badan oo kuwa xambaara Taangiyada ay ...

Read More »

Maamul goboleedka Hirshabelle oo ku eedeeyay Qaramada Midoobay wax qabad la’aan

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inaysan waxba u qaban shacabka ku nool dowlad goboleedka Hirshabeelle. Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Beledweyne Wasiirka Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mahad Xasan Cismaan ayaa waxa ay ku eedeeyeen Qaramada Midoobay inay ka gaabisay howlihii ay ...

Read More »

Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo Golaha Wasiirada

Kulan ay isugu yimaadeen Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada siyaasaddeed ee Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha ayaa waxaa looga hadlay xaalada cakiran ee ka jirta Golaha Wasiirada. Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada ayaa soo jeediyay talooyin iyo baaq ku aadan magacaabistii Golaha Wasiirada, iyagoo sheegay in Xukuumadda la soo magacaabay ay u arkaan in aysan aheyn tii shacabka sugayay, ...

Read More »

Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada oo la bedelay iyo Taliye cusub oo la magacaabay

Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, iyadoo wali uu socdo is bedelada lagu sameynayo kooxdii horay ula soo shaqeysay Madaxweynihii hore. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhowaad bil ku qaadatay, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay in wax ka bedel buuxa ku sameeyo xilalka kala duwan ee Madaxtooyada. Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada ayaa waxaa ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu baaqay in todobaadkan sameeyaan Alle bari iyo roob doon

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in maalintaTalaadada ah ee soo socota ay tahay Maalinta Alle-bariga iyo Roob-doon. Madaxweynaha ayaa baaqan jeediyay keddib markii uu kulama dhawr ah la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha iyo Culumada Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay laabta isu furaan si Eebe uga dulqaado colaadaha iyo ...

Read More »

Gadoodkii Ciidamada Milateriga oo sabab u ahaa mushaarkooda oo meel kale loo wareejiyay

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa maanta gadood ka sameeyay caasimadda Muqdisho, iyaga oo muddo saacado kooban xanibay isku socodka waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada, sida isgoysyada KM4 iyo KM5 . Ciidamada gadoodka sameeyay oo ka soo kala baxay Taliska “Villa Beydhabo” ee u dhow KM5 iyo Xerada ciidanka ee ku dhow Warshaddii hore ee Sifeynta Batroolka ee koonfur ...

Read More »

Ciidamo gadoodsan oo xirey qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho

Ciidamo gadoodsan ayaa la sheegay inay xireen qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqisho gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Zobbe, KM4 iyo wadooyinka ku dhow dhow. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadan ka tirsan Militariga dowladda Federalka Soomaaliya ay ka cabanayaan mushaar la’aan. Ciidanka qaar ayaa la sheegay in ay ku sii fidayaan deegaano kale oo ka mid ah ...

Read More »

Alshabaab oo biyo dhaamin ka sameeyay gobolka Mudug iyo Sh/hoose

Wararka ka imanaya deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo Sh/hoose ayaa sheegaya in Ururka Alshabaab uu ka bilaabay qaar kamid gobolada ay maamulaan inay biyo u qeybiyaan  deegaano iyo tuulooyin ay ka jiraan abaaro daran. Maamulka Al Shabaab ee gobolada Mudug iyo Shabeelaha Hoose ayaa bilaabay in biyo dhaamin ay u sameeyaan dadka ku dhaqan deegaanada miyiga ay saameeyeen ...

Read More »

Ra’iisul Wasaaraha oo amray in la bixiyo mushaarka Shaqaalaha dowladda ee bisha Janaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku bixiyay in la bixiyo mushaarka shaqaalaha dowladda ee bisha Janaayo ee sanadkan. Warqad Ra’iisul Wasaaruhu u qoray Sii Hayaha Wasiirka Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda la siiyo mushaarka bisha Janaayo, lagana jaro, lacago qoondo ah oo loogu tala galay abaaraha. Shaqaalaha dowladda ayaa wax mushaar ...

Read More »