Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray wado loogu magac daray Dr Kadare

0
58

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta xariga ka jaray wadada Dr Kadare oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu ku sameeyay dib u dhis.

Dhismaha wadadan laamiga ah ayaa dhexmarta degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis waana wado muhim u ah isku socodka bulshada labada degmo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka shaqeeyay dhismaha wadadaan.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay dhistaan dhulkood , islamarkaana ay ilaalsanaan Sharaftooda.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya Canshuurta ay ka qaado Bulshada Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka ay saameeyeen Abaaraha.

Wadadan ayaa ah tii ugu horeysay ee uu xariga ka jaro ra’iisal wasaare Kheyre tan iyo markii uu loo dhaariyay xilka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here