Dowlada Kenya oo sheegtay in ay howlgalo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubbada Hoose

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay 31 ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigyo ay Alshabaab ku laheyd deegaano ka tirsan  degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Wasaarada Gaashaandhiga dowlada Kenya ayaa sheegtay in weeraro ay ku qaaden labo saldhig oo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan Badhaadhe labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in 31 askari ay howlgaladan ku dileen iyadoo ay dowlada Kenya ay intaa ku dartay in ay howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Weerarka ay ciidamada Kenya sheegeen inay ku qaadeen saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen degmada Badhaadhe ayaa ku so beegmaya maalmo kadib markii uu booqday Madaxweyne Uhuru Kenyatta saldhiyo ay ku leeyihiin ciidamada Kenya dalka Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay dhowr jeer hore ugu celcelisay inay howlgalo ka sameynayaan dhulka ay ka taliyaan Alshabaab.

Ururka Alshabaab ayaa hore weeraro waxa ay ugu qaadeen saldhigyo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin dowlad goboleedka Jubba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*