Qaraxyada lagu xiro gaadiidka oo ku soo badanaya magaalada Muqdisho

0
7

Labo qarax oo ka dhashay baabuur lagu xirey waxyaalaha qarxa ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadaasna aysan geysan dhimasho iyo dhaawac.

Mid mid ah labada qarax ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waaberi meel aan ka fogeyn Hotel Dayax waxana uu ahaa mid ka dhashay gaari uu watay nin magaciisa lagu sheegay C/shakuur Ciise  oo tirsan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in C/shakuur uu ka shakiyay gaarigiisii uu afaafka gurigiisa yaal kadib markii uu ka dareemay gariir waxana uu ka cararay halka uu gaariga yiil kahor inta uusan qarxin gaariga.

C/shakuur Ciise ayaa  la sheegay inuusan soo gaarin wax dhaawac ah balse waxaa halkaa ku burburay gaarigii uu watay.

Dhinaca kale degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ayaa qaraxii labaad uu ka dhacay iyadoo qaraxan uu ahaa mid lagu xirey gaari uu watay mid kamid ah ergadii wax ka dooratay xildhibaanada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Hase yeeshee ninkan ayaa ka badbaaday qaraxan balse waxaa soo gaaray burbur aan badneyn gaarigii uu watay oo la sheegay inuu ahaa nooca dadka rayidka ah ay kaxeysteen.

Jimcihii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii gaari waxyaalaha qarxa lagu xirey uu ku qarxay agagaarka baar Banooda ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada nabadsugida iyo kuwo ammaanka ayaa illaa iyo hadda awoodi la’ inay wax ka qabtaan gaadiidka lagu soo xiro waxyaalaha qarxa gaar ahaan kuwa ay wataan dadka rayidka ah.

Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ayaa bilaabay inay ka shakiyaan gaadiidka ay wataan iyagoo baaritaano ku sameeya subaxdii marka ay ka soo kaxeysanayaan garaashyada la dhigto gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here