Monthly Archives: March 2017

Dowlada Kenya oo sheegtay in ay howlgalo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Jubbada Hoose

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay 31 ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab ku dileen weerar ay ku qaadeen saldhigyo ay Alshabaab ku laheyd deegaano ka tirsan  degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose. Wasaarada Gaashaandhiga dowlada Kenya ayaa sheegtay in weeraro ay ku qaaden labo saldhig oo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan Badhaadhe labadii maalmood ee la soo dhaafay. ...

Read More »

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray wado loogu magac daray Dr Kadare

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta xariga ka jaray wadada Dr Kadare oo dhawaan maamulka Gobolka Banaadir uu ku sameeyay dib u dhis. Dhismaha wadadan laamiga ah ayaa dhexmarta degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis waana wado muhim u ah isku socodka bulshada labada degmo. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyay ololaha kalsooni raadinta Xukuumada iyo Madaxweynaha oo ku biiray

Dadaalo xooggan oo kalsoonida loogu raadinayo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa socda, iyadoo wajahaya culeys aan yareyn oo uga imaanaya Guddoonka Baarlamaanka oo doonaya inuu faragelin ku sameeyay dhismaha Golaha Wasiirada. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay dalka ayaa xalay ku biiray dadaalada kalsooni raadinta Xukuumadda oo lagu wado in maalinta ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday Baarlamaanka in aysan is hor-taagin Xukuumadda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Soomaaliya in aysan is hor-taag ku sameyn Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Madaxweyne Farmaajo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib booqasho uu ku tagay dalka Kenya ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan ansixinta Xukuumadda iyo cabashada ay ka keeneen illaa 105 ...

Read More »

Shariif Xasan oo ku dhawaaqay inuu magacaabayo Ra’iisul Wasaare uu yeesho maamulkiisa

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay inuu magacaabayo Ra’iisul Wasaare uu yeesho maamulkiisa, taasoo noqoneysa mid ku cusub maamulada Federaalka ee dalka ka jira. Shariif Xasan oo ka hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in marka la ansixiyo Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare kala wada howsha maamulkiisa. “Maalintii la ansixiyo Xukuumadda, ...

Read More »

Somaliland oo howlo shidaal sahmin ka bilowday deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Togdheer

Shirkad shisheeye oo aan ka fasax heysan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlo shidaal sahmin ah ka bilowday Gobollada Sool iyo Togdheer, iyada oo Madaxweynaha Maamulka Somaliland uu booqday dhul howd ah oo makiinado ay ka sameeyeen waddooyin bacaad ah. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in mashruuca sahminta shidaalka uu si rasmi ah uga bilaabmay gobolka Saraar oo ay ula jeedaan Degmada ...

Read More »

Inkabadan kun tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay badda Mediterranean

Maraakiib ay wataan ururo aan dowli ahayn ayaa ka soo badbaadiyay inkabadan 1,200 oo tahriibayaal ah badda Mediterranean 48kii saacadood ee la soo dhaafay sida ay sheegtay hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn. Dadkan oo ka soo raacay dooman yaryar xeebaha dalka Libya ayaa la sheegay in mid kamid ah doomankaas oo alwaax ka sameysnayd ay saarnaayeen 412 ruux hase yeeshee ...

Read More »

Sawirro: Xarig jarka Mashruuca Balaarinta Isbitaalka Cadaado

Munaasabad xarigga looga jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey isbitaalka Guud ee degmada Cadaado ayaa lagu qabtay gudaha isbitaalka. Waxaana kasoo qeybgalay wasiiro iyo xildhibaano Galmudug, maamulka degmada Cadaado, madax ka socotay hay’adda CPD, Madaxda isbitaalka, Guddiga tabarwadaag, iyo marti sharaf kale. Mashruucaan ayaa dhaqaalaha ku baxay waxaa iska kaashaday Bulshada Cadaado oo bixiyey 20% iyo Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya SSF, ...

Read More »

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka oo ku soo badanaya magaalada Muqdisho

Labo qarax oo ka dhashay baabuur lagu xirey waxyaalaha qarxa ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxyadaasna aysan geysan dhimasho iyo dhaawac. Mid mid ah labada qarax ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waaberi meel aan ka fogeyn Hotel Dayax waxana uu ahaa mid ka dhashay gaari uu watay nin magaciisa lagu sheegay C/shakuur Ciise  oo tirsan shaqaalaha Dowladda ...

Read More »