Monthly Archives: February 2017

Muxuu noqon karaa go’aanka Maxkamada Caalamiga ee dacwada Badda ?

February 1 (Radio Cadaado):— Maxkamada Caalamiga ah ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maalinta Khamiista ah ee 2da February go’aan ka gaareysa dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Haddaba maxaa laga filan karaa inuu go’aanku noqdo? Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dacwada u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ka dib markii ay Kenya bilowday shidaal qodid oo shirkado ajaanib ...

Read More »

Kenya oo sheegtay in dagaalyahano Tanzanian iyo Kenyan ka qeyb qaateen dagaalkii Kulbiyow

February 1 (Radio Cadaado):— Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dagaalyahano Tanzanian iyo Kenyan ah oo ku biiray Al-Shabaab ka qeyb qaateen weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Kulbiyow, halkaasoo saldhig ciidan ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya. Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya ayaa sheegay inay raggii fuliyay weeraradii is-miidaaminta ay ku hadlayeen luqada sawaaxiliga, qaraxyada kaddib ay xerada soo weerareen ...

Read More »

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo lagu xiray Kismaayo

February 1 (Radio Cadaado)— Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland  oo lagu magacaabo Shuceyb Ibraahim ayaa lagu xiray magaalada Kismaayo, iyadoo ay soo baxayaan xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Baarlamaanka. Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanka ayaa lagu xiray xabsi ay leeyihiin Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ah ciidamada ugu awooda badan ee Kismaayo ka howl gala. Mid ...

Read More »

Meydka saddex ruux oo la gowracay oo lagu arkay meel ku dhow Qandala

February 1 (Radio Cadaado)— Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in saddex ruux oo qoorta ka go’an lagu arkay Tuulo lagu magacaabo Karin. Sida ay sheegayaan wararka saddexdan ruux ee la gowracay ayaa laga cabsi qabaa inay ka dambeeyaan Dagaalyahano ka tirsan Daacish. Dadka deegaanka Tuulada Karin ayaa sheegaya in saddexda ruux ee la gowracay saaka ...

Read More »

Al-Shabaab oo baahiyay magaca mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkii Xerada Kulbiyow

February 1 (Radio Cadaado)— Al-Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo heybta mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee jimcihii la soo dhaafay ka dhacay xero ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubadda Hoose. Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegay qofkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa lagu magacaabo Feysal Yuusuf Aadan, oo ...

Read More »