Monthly Archives: February 2017

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar’’ Waxaan ka ilaalineynaa doorashada in lacag loo adeegsado

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo madax u ah gudiga anshaxa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan uu magacaabay gudoonka sare ee gollaha baarlamaanka, ayaa ka hadlay wax qabadka iyo howlaha hor yaalla gudiga, maalinta doorashada Prof Samatar oo wareysi siinayay Idaacada VOA –da ayaa sheegay in howsha ugu weyn ee gudigooda hortaala tahay in ay la socdaan islamarkaana ilaaliyaan anshaxa iyo ...

Read More »

Kursigii aqalka hoose ee Jubaland ee ku celiska ahaa oo la doortay iyo Musharax dhaliilay natiijada

Doorasho maanta ka dhacday hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa mar kale dib loogu doortay Cabdullaahi Max’ed Aadan Saacir oo horay gudiga xalinta khilaafaadka u qaadaceen natiijada doorashadiisii hore. Doorashadan waxaa qaadacay oo aan ka qeyb-galin wasiirka batroolka Max’ed Mukhtaar Ibraahim oo qaadacay kadib markii sida uu sheegay goobta la geeyay ergo aan aheyn jifadii laheyd kursigan, taasoo keentay in ...

Read More »

U diyaargaroowgii doorashada madaxweynaha oo la soo gabagabeeyay

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay u diyaargaroowga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo afar jeer oo hore dib u dhac ku yimid. Guddoomiyaha gudiga doorashada oo ka kooban 17 xubnood Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto sida uu hadalka u dhigay waqtigii loo qorsheeyay ee 08 bishan Feberaayo oo maalin kaliya naga xigto. ...

Read More »

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadlay Imaatinka magaalada Hargeysa Cali Khaliif Galayr

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Farotoon, ayaa ka hadlay imaanshiyaha Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khalliif Galaydh ee magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in ka dib markii loo diiday inuu Buuhoodle ka dhoofo loo ogolaaday inuu Hargeysa ka dhoofo. Wasiir Farotoon ayaa sheegay in Cali Khaliif Galaydh u aqoonsan yihiin muwaadin reer Somaliland balse aaminsan fikrad ka duwan ka dadweynaha ...

Read More »

Nigeria: Buhari oo doonayo in loo kordhiyo fasax caafimaad

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo dalka Britain u joogo baaritaan caafimaad ayaa baarlamaanka dalkiisa ka dalbaday inay u kordhiyaan wakhtiga fasixiisa. Mr Buhari ayaa dalka Nigeria ka tagay laba isbuuc ka hor waxaana lagu wday inuu maanta dib ugu laabto. War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dhakhaatiirta ay kula taliyeen inuu sugo natiijooyinka baaritaanno ...

Read More »

Ololaha Doorashadu waa Bilo Dhammaystay

Caasimadda Soomaaliya, Muqdisho waxaa soo buuxiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo mudanayaal aqalka Sare, siyaasiyiin looga soo adkaaday kuraasta, salaaddiin, Madax iyo shaqaale Dowlad Goboleedyo, dallaalliinta siyaasadda oo badiyaa la arko marka ay doorasho jirto ama marka xiisad siyaasadeed ay oogan tahay oo cod loo baahdo, Madax iyo shaqaale aanay munaasab ahayn in ay olole doorasho ka qeyb qaataan hase yeeshee ...

Read More »

Facebook iyo Google oo ku biiray dacwadda ka dhanka ah amarka Trump

Shirkadaha ugu waaweyn dhinaca teknooligiyadda Mareykanka sida Apple, Facebook iyo Google ayaa maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah xayiraadda socdaalka ee Madaxweyne Trump. Waxay ku doodayaan in xayiraadaasi ay dhaawac adag gaarsiisay ganacsiga Mareykanka. Ku dhawaad 100 shirkadood ayaa saxiixay dacwaddan oo la geeyay maxkamad racfaan oo ku taalla San Francisco. Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in xayiraadahaasi oo hadda la ...

Read More »

Xildhibaano loo diiday in ay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta loo diiday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Mudanayaasha ayaa sheegay in layska hor istaagay in ay ka baxaan Garoonka Muqdisho waxaana xildhibaanadaasi ka mid ah Faysal Axmed Cabdulle oo Risaala u sheegay in dib Garoonka looga soo celiyay Xildhibaanada ayaa kusii jeeday Magaalada Caabudwaaq. Qaar ka ...

Read More »

Baarlamaanka Somaliland oo cod u qaadaya Saldhigga Imaaraadka ee Berbera

Baarlamaanka Maamulka Somaliland ayaa dhawaan la filayaa in uu cod  qaado Saldhigga Milatari ee Dalka Imaaraadka uu ka furanayo Magaalada Berbera. Dowladda Imaaraadka ayaa maamulka Siilaanyo kala heshiisay in saldhig ciidan ay ka sameysato Magaalada Berbera,halkaas oo dekadda ku taallana lagu wareejiyay Hay’adda DPWorld ee laga leeyahay Imaaraadka. Saldhiggan,waxaa uu buuq badan ka dhex abuuray Xisbiyada Mucaaridka iyo Xukuumadda Somaliland,waxaana ...

Read More »