Monthly Archives: February 2017

Arday Soomaali ah oo booliska Suudaan uu u xiray qarax ka dhacay caasimada Khartoum

Booliska dalka Suudaan ayaa xiray ajaaniib ay ku jiraan arday Soomaali ah, caasimada Khartoum. Arinkaa ayaa yimid kadib markii qarax uu ka dhacay dhisme ajaaniib ku noolaayeen halkaa oo ardaydaa Soomaalidu ahna qeyb ka daganaayeen. Dhismahaa ayaa qarax uu ka dhacay Axadii lasoo dhaafay. Markii qaraxu dhacay kadib ayaa boolis ay galeen dhismahaa ayagoo kasoo helay walxaha qarxa iyo baasabooro ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo qosheeyneeysa in ay dib dalka uga howlgeliso maamulkii hawada Soomaaliya

Kulanan uu madaxweyenaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo la qaatay Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya Capt. Cabdi Waaxid Cumar Sheekh Axmed ayaa ahaa mid looga wada hadlayay xaaladda maamulka hawada Soomaaliya iyo shaqaalaha ka howlgala. Maareeyaha ayaa uga warbixiyay madaxweeynaha xaaladda ay ku shaqeeyaan howlwadeennada hay’ada duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya iyo marxaladihii adkaa ...

Read More »

Guddoomiye Cirro“saddex xildhibaan waa la xidhay, lix xildhibaanna way dhaawacan yihiin

Fadhigii labadda gole ee uu saaka madaxweynuhu ka soo qaybgalay ayaa hoolka baarlamaanka waxaa ka dhacay is qabqabsi iyo buuqa badan oo xildhibaanadda iskaga soo horjeedeen, isla markaana qaarkood ku diidanayeen ansixinta saldhiga military ee imaaraadku ku doonayo inuu ka samaysto magaaladda Berbera. Kalfadhigan labadda gole la iskugu yeedhay ayaa madaxweynuhu ka hor jeediyey khudbad sanadeedkii, waxaanu uga war bixiyey ...

Read More »

Wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxda Jubaland

Wafdi ballaaran oo uu horkacayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay madax ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland. Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo xubno kale oo ka socday Qaramada Midoobay, gaar ahaan ...

Read More »

Al-shabaab oo ka hadashay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose

Ururka Al Shabaab iyo maamulka gobolka Shabeellaha hoose , ayaa waxaa ay guulo ka kala sheegteen dagaalo ka dhacay deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo ka tirsan gobolkaasi. Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegtay 19 askari oo saraakiil ciidan iyo askar isugu jira in ay ku dileen weerarkaasi, waxaana intaasi ay ku dareen in ciidamada militriga ay u badan yihiin askarta weerarka lagu ...

Read More »

Cabdulaahi Daanyeerow oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo(Sawiro)

Cabdulaahi Maxamuud Cismaan oo ku magac dheer haatan”Ar Farmaajo Ha La Ii Geeyo”ayaa la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kadib markii ay bahda Radiojowhar kuwa jooga Jowhar iyo qaar ku sugan magaalada Muqdisho ay isku howlen inay ka dhabeeyaan rabitaanka Cabdulaahi Daanyeerow. Ugu dambeyntii Cabdulaahi Maxamuud oo si weyn baraha bulshada ku qabsaday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Farmaajo ...

Read More »

Maxay Kenya ku diiday inay u Hambalyeyso Madaxweyne Farmaajo? Wax badan ka ogow

Dowlada Kenya ayaa cadeysay sida aysan ula dhacsaneyn doorashadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xili sii horeysay Warqaad.com ayaa ogaatay in Kenya ay xusul duub ugu jirtay sidii Sh Shariif Sh Axmed uu unoqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya, laakiin ay ka xun tahay in Mudane Farmaajo uu madaxweyne noqdo. Madaxweynihii dalka Kenya ayaa kamid ahaa xubnihii sida ugu dhaqsiyaha badan usoo ...

Read More »

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada lagu soo dhaweeyey

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta Villa Somalia kula kulmay madaxwaynihii hore mudane Xassan Shiikh Maxamuud. Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa balan qaaday madaxwaynaha cusub inuu la shaqayn doono, wuxuu sheegay cid kasta iney ka shaqaynteeda masuuliyadi ka saaran tahay. Madaxwayne Farmaajo ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo horumarinta waddanka ay suurta galin ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Maamul goboleedyada

Maalmo kadib doorashada Madaxweynaha dalka Somalia, waxaa kulan dhexmaray madaxda maamulka goboleedyada iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kawada hadlay arrimo ku aadan maslaxadda Shacabka iyo waddanka. Kulan shalay ka dhacay hotel Jazeera oo ay soo xaadireen dhammaan hogaamiyaasha maamullada Somalia marka laga reebo Axmed Madoobe oo ka maqnaa Muqdishu, ayaa diiradda lagusoo saaray sidii loola shaqayn lahaa Madaxweynaha cusub islamarkaana la ...

Read More »

Howlgal Qorsheysan oo laga Sameeyey G/Bakool

Howlgal qorsheysan ayaa habeenimadii Xalay waxa laga sameeyey Deegaano katirsan Gobolka Bakool waxaana soo baxaya warar kusaabsan Howlgalkaasi. Saraakiisha Ciidanka Hogaamineysay waxay sheegeen inay bartilmaameedsadeen goobo gaar ah oo lagu tuhmay inay Al Shabaab kusugnaayeen. Ciidanka Dawlada Soomaaliya oo fuliyey Howlgalka ayaa tiro dad ah gacanta kusoo dhigay kuwaasi oo lala xiriirinayey inay ku lug leeyihiin ama ay la shaqeeyaan ...

Read More »