Monthly Archives: February 2017

ICG: Dalalka Deriska ah Waxay qatar ku yihiin Rajada Soomaalida

Warbixin ay soo saartay kooxda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka “International Crisis Group” oo ay cinwaan uga dhigtay “Qatarta ay dalalka gobolka ku keeni karaan rajada Soomaalida” ayay diiradda ku saartay halista Madaxweeynaha cusub ee dalka uga iman karta dalalka deriska la ah Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay shaki weyn ka qabaan madaxweeynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya Mudane ...

Read More »

Kenya oo dooneysa inay baarto telefoonada shacabka

Maamulka dalka Kenya ayaa shirkadaha mobile-lada ee dalka ku amray in ay ogolaadaan in la ogaado farriimaha shacabka. Hay’adda dowladda u qaabilsan dhanka isgaarsiinta (CAK) ayaa shirkadaha telefoonada u qortay dalabka ah in lala socdo xiriirka dadweynaha ee mobile-lada isticmaala. Waxay dowladda dooneysaa in la siiyo akhbaarta wicitaanka, farriimaha iyo lacagaha telefoonada ugu jiro shacabka. CAK ayaa dooneyso in arrintaasi ...

Read More »

Boqollaal tahriibayaal ah oo dhanka Morocco ka galay Spain

Boqollaal qof oo tahriibayaal ah ayaa xoog ku galay dalka Spain saaka, waxayna ka tallaabeen xuduudda Morocco. Dadkaas oo gaaray Ceuta ayaa waxay ka tahriibeen Woqooyiga Afrika. Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa dhaawacmay, sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP. Laamaha gurmadka degdegga ah iyo booliska waxay sheegeen in la daaweynaayo dadka dhaawacmay. Dadka xoogga ku galay Spain ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Mareykanka kala hadlay Ammaanka iyo Abaaraha ka jira dalka

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ee lagu Magacaabo Stephen Schwartz,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo dhowr ah. Qodobada ay isla soo qaadeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjiraha Mareykanka u jooga Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa In Dowladda Mareykanka ay ka Taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya Dhinacyada Ammaanka,Mushaarka Ciidamada iyo Abaaraha ka ...

Read More »

Somaliland” Xuutiyiinta Weerarkooda waan iska Difaaci doonaa”

Wasiirka Warfaafinta  Somaliland Xirsi Cali Xasan oo  Galabta la hadlay Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Somaliland ay iska difaaci doonto haddii Weeraro ay uga yimaadaan Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Dagaalka kula jira Dowladda Caalamku uu Aqoonsan yahay ee Yemen iyo Isbaheysiga Sacuudigu uu hogaamiyo. Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Xusay in Saldhigga Imaaraadka Carabta uu doonayo ...

Read More »

Qarax ka Dhacay Duleedka Beledweyne

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax goor dhowayd ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday maleeshiyo beeleed ka horjeedda ururka Al-Shabaab, in kastoo ilaa haatan cid sheegatay aysan jirin. Ma jirana faahfaahinno intan dheer oo laga helayo qaraxan.  

Read More »

Kuuriyada Waqooyi oo Dalka Malaysia ka dalbaday jawaab deg deg ah

Qoyska Kim Jong-Nam ayaa laga dalbaday in ay keenaan caddeyn hidde-sidaha DNA in ay u soo gudbiyaan dalka Malaysia ka hor inta aan meydkaiisa loo qaadin dalka Kuuriyada Waqooyi, sida laga soo xiganayo Booliska. Kuuriyada Waqooyi ayaa dalbatey in meydkiisa iyaga lagu wareejiyo. Ma jiro qaar kamid ah qoyska xukuma dalka Kuuriyada Waqooyi ama qaraabadiisa u dhaw oo yimid dalka ...

Read More »

Afar Waxyaabood Oo Muhim Ah Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka Adag Ee Caawa Dhexmaraya PSG & Barcelona

Paris Saint-Germain ayaa martigelineysa Barcelona lugta koowaad ee kulankooda sida weyn loo sugayo ee wareega 16ka ee Champions League. Waa markii seddexaad ee shan xilli ciyaareed ee ay labadaan kooxood isku arkaan wareegyada ugu danbeeya ee Champions League, halka ay sidoo kale isku arkeen wareega group-yada ee xilli ciyaareedkii 2014-15. Kooxda reer Spain ayaa soo badisay labadii iska horimaad ee ...

Read More »

Ciidamada dowladda oo isku diyaarinaya weerar ka dhan ah degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah  degmada Xarardheere ee gobolka Mudug  iyo duleedka ka ah oo mudo dheer ay gacanta ku hayaan Al-shabaab. Wararku waxaa ay sheegayaan in dhaqdhaqaaqan militari wadaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo sidoo kale ay gacan siinayaan ciidamo ajnabi ah oo laakiin aan la sheegin dowladda ...

Read More »

Madaxweynihii hore ee Puntland oo Maanta lagu Aasay magaalada Bosaaso iyo Dad-weyne Fara badan oo ka qayb-galay Aaskiisa

Maydka Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi General Cadde ayaa maanta galinkii hore laga soo dajiyay Magalaada Bosaaso ,iyadoo amniga Garoonka diyaaradaha uu ahaa mid si weyn loo adkeeyay. Inta badan madaxda Maamulka Puntland oo uu ku jira C/wali Maxamed Cali Gaas , xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Puntland ayaa garoonka ku sugna ...

Read More »