Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dadkii geystay oo aan la soo qaban

0
20

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay toogashada saddex ruux oo kooxo hubeysan ku bartilmaameedsadeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dad goobta ku sugnaa ayaa warbaahinta u sheegay in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen dadkan oo hal meel ku sugnaa, iyagoo kaddib baxsaday.

Sidoo kale weerarkan ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex qof oo kale, waxaa wali kala cadeyn cida ay yihiin dadkan la weeraray.

Saraakiisha hay’addaha amniga wali wax war ah kama aysan soo saarin toogashadan lagu dilay saddexda ruux.

Ugu danbeyntii, dilkan ayaa imanaya xili saakay koox hubeysan ay ku dileen degmada Dharkeenley Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii lagu soo dhisay Carte sanadkii 2000, kaasoo lagu magacaabayay C/qaadir Qaasim Mursal oo xilligan ka shaqeynayay Xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here