Arsenal Oo Liiska Kooxdeeda Ee Champions Leaque-ga U Gudbisay UEFA Iyo Xidig La Ilaway Oo Liiskan Ka Soo Muuqday.

Sida caadada ah kooxaha Yurub ayaa liiska kooxahooda laba jeer u gudbiya xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA iyada oo marka uu xili ciyaareedku bilawdo liiskan marka ugu horaysa la gudbiyo laakiin marka uu suuqa kala iibsiga bisha January xidhmo ayay mar labaad kooxuhu liiskooda u diraan UEFA si ay ugu daraan haddii ay sameeyaan saxiixyo cusub ama ay doonayaan in ay badalaan ciyaartoy dhaawac uga maqan oo ay xidigo kale ku buuxinayaan.

Arsenal ayaa liiska ciyaartoyda kooxdeeda ee Champions Leaque-ga u gudbisay xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA, waxaana liiskan si lama filaan ah uga soo muuqday xidiga la iska ilaaway ee Yaya Sanogo kaas oo uu Arsene Wenger liiska kooxdiisa ku soo darsaday. Sanogo ayaan Arsenal kulan tartan ah u ciyaarin tan iyo April 2016 isaga oo ka soo laabtay heshiis amaah ahaa oo uu ugu manqaa kooxda Charlton waxaana soo gaadhay dhaawac xaaladiisa uga sii daray.

French striker Yaya Sanogo has been named in Arsenal's Champions League squad

Waxa kale oo liiska Arsenal dib ugu soo laabtay Danny Welbeck iyo Per Mertesacker oo kulamadii Champions Leaque-ga ee xili ciyaareedkan dhaawacyo ku manqaa isla markaana aan ku soo bixin liiskii qaybtii kowaad ee xili ciyaareedkan Gunners uga soo ciyaaray tartanka kooxaha Yurub, waxayna badaleen  Carl Jenkinson iyo Krystian Bielik oo liidks Gunnrs ku jiray markii h–e.

Per Mertesacker and Danny Welbeck have been included in Arsene Wenger's squad

LIISKA CIYAARTOYDA ARSENAL EE UEFA LOO GUDBIYAY:

2. Mathieu Debuchy, 3. Kieran Gibbs, 4. Per Mertesacker, 5. Gabriel, 6. Laurent Koscielny, 7. Alexis Sánchez, 8. Aaron Ramsey, 9. Lucas Pérez, 11. Mesut Özil, 12. Olivier Giroud, 13. David Ospina, 14. Theo Walcott, 15. Alex Oxlade-Chamberlain, 16.Rob Holding, 17. Alex Iwobi*, 18. Nacho Monreal, 19. Santi Cazorla, 20. Shkodran Mustafi, 22. Yaya Sanogo, 23. Danny Welbeck, 24. Héctor Bellerín*, 26. Emiliano Martínez, 29. Granit Xhaka, 31. Jeff Reine-Adélaïde, 33. Petr Čech, 34. Francis Coquelin, 35. Mohamed Elneny, 39. Tolaji Bola*, 42. Kristopher Da Graca*, 43. Josh Dasilva*, 46. Charlie Gilmour*, 49. Ryan Huddart*, 50. Deyan Iliev*, 51. Chiori Johnson*, 53. Hugo Keto*, 55. Ainsley Maitland-Niles*, 58. Marcus McGuane*, 60. Savvas Mourgos*, 65. Ben Sheaf*, 68. Chris Willock*, 72. Reiss Nelson*, 73. Eddie Nketiah*.

ciyaartoyda ay saartan tahay calaamada xidigtu *, waa liiska loo yaqaan List B oo lagu soo daro ciyaartoyda dhalatay January 1,1995 kuwaas oo ay koox kastaaba liiska ciyaartoyda kooxdeeda ku soo kordhisan karto. Ciyaartoyda ay da’doodu tahay 16 sano jirka ayaa sidoo kale lagu soo dari karaa haddii ay labadii sano ee la soo dhaafay isla kooxdan ka tirsanaayeen.

One comment

  1. comon Arsenal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*