Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo lagu xiray Kismaayo

0
175

February 1 (Radio Cadaado)— Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland  oo lagu magacaabo Shuceyb Ibraahim ayaa lagu xiray magaalada Kismaayo, iyadoo ay soo baxayaan xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanka ayaa lagu xiray xabsi ay leeyihiin Ciidamada Nabadsugida Jubbaland oo ah ciidamada ugu awooda badan ee Kismaayo ka howl gala.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland oo ka hadlay xariga Xildhibaan Shuceyb ayaa ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Axmed madoobe, isla markaana uu handadaad ku hayo Xildhibaanada Jubbaland.

Xildhibaan Bashiir Faaqid ayaa sheegay in 75-ta Xildhibaan ee ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ay yihiin xarig sugayaal.

“Dhamaan Xildhibaanada Jubbaland waa xarig sugayaan, waxaa jirta in Axmed Madoobe uu handaad kula kacayo, maadaama xurguf ay jirto, xildhibaanadeena duruuf adag ayaa ku shaqeyneynay”ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Faaqid.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland inuu yahay nin keli talis ah, isla markaana awoodii Maamulka uu isaga la wareegay.

“Axmed Madoobe waa keli talis, isagaa ah Wasiir, isagaa ah Taliye, anagana waxaa u sheegeynaa Beesha Caalamka inuu cabsi gelin ku haayo Xildhibaanada Jubbaland”ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Faaqid.

Maamulka Jubbaland ayaa lagu tilmaamaa maamul gacan bir ah ku haya Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo aanay jirin cid ku dhiiran karta oo iyadoo ku sugan Kismaayo eedeymo u jeedisa Hoggaanka Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here