Monthly Archives: February 2017

Maxkamadeynta wiilal Soomaali ah oo gaaraya 118 ruux oo ka bilaabatay dalka India

Magaaladda Bombay ee dalka India, waxaa manta ka bilaabatay maxkamadeynta wiilal soomaali ah oo tira ahaan gaarayay 118, kuwaas oo lagu soo oogay falal Burcadbadeednimo ah, sida ay sheegeen saraakiisha Dowladda India. Dhegeysiga maxkamadan ayaa bilaabatay manta, waxaana Qareenadii ka socday dowladda India ay maxkamada soo istaajiyeen mid ka mid ah shan Marqaati oo ay sheegeen iney hayeen. Dhegeysi dheer ...

Read More »

Deg-Deg: Koox hubeysan oo dilay askari kadibna Qorigii ka qaatay

Laba wiil oo watay Bistoolado, ayaa degmadda Dharkeenley ee magaaladda Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidanka xoogan dalka Soomaaliya. Askariga ayaa lagu magacaabi jiray Mowliid Maxamed, waxaana la sheegay in qorigii uu watay ay qaateen kooxihii dilka geystay. “ Laba wiil oo hubeysan ayaa dilka geystay, waxaana ay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen” goobjooge diiday in magaciisa ...

Read More »

Maamulka degmada Dherkeenley oo soo bandhigay nin ku eedeysan dilka xildhibaan hore

Maamulka degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay muuqaalka nin dhalinyaro ah oo ku eedeysan in uu maalin ka hor ku dilay degmada xildhibaan hore oo lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Qaasim Mursal. Ninka la soo bandhigay oo da’ahaan lagu qiyaasay 27-sano jir ayaa magaciisa lagu sheegay Saalax Maxamed Abuukar ayaa lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay gudaha degmada Dharkeynley ...

Read More »

Qaar ka mid ah Cuqaal iyo Waxgaradka gobolka Sool ayaa dhaliilo u soo jeediyey maamulka Somaliland

Qaar ka mid ah Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobolka Sool ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saareen kulan uga socdey Hotel Xamdi waxa ay ku dhaliileen maamulka Somaliland wax ka qabashada xaaladda colaadeed ee ka jirta Koonfurta gobolka, Shirsaxaafadeedkan ayaa cuqaashu waxa ay ku sheegeen in heshiisyo ay la galeen Somaliland dhamaadkii sanadkii aan soo dhaafnay oo ka dhacay Awrboogays iyo Adhicadeeye ...

Read More »

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu furay mashruuca sanadla ah ee JPLG-ga Dawladaha hoose Somaliland

Madaxwayne Ku-xigeenaka Somaliland ahna kusimaha Madaxwayanaha Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay mashruuca sanadlaha ah ee horumarinta dawladaha hoose ee dalka ee loo yaqaano (JPLG) . Mashruucan oo sanadkan 2017 ay soo qaban qaabisay Hay’ada UN Habitat ayaa lagu soo ban dhigay kharashka ay sannadkan u qoondeeyeen dawladaha hoose ee dalka isagoo kharashkanina ka badan yahay kii sannadkii ...

Read More »

Madaxweynaha Soomaaliya oo magaacaabay la taliyihiisa dhinaca arimaha bulshada

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay la taliyihiisa u qaabilsan dhinaca arrimaha bulshada qof dumar ah. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha oo ku taariikheysneyd 26-ka bishan, ayaa lagu magacaabay Caa’isha Abukar Qaasim. Haweeneydan ayaa sidoo kale madax ka noqotay xafiiska xiriirka arrimaha bulshada madaxtooyada. Akhriso wareegtada madaxweynaha

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xabsiga dhexe ee Xamar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana madaxweynaha uu kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka koobanyahay. Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale, ayaa madaxweyne Farmaajo kusoo dhoweeyay xabsiga iyagoona si ...

Read More »

Ciidamadii Gadoodsana ee Qabsaday Xarunta Baarlamaanka Puntland oo lagu Qanciyay in ay Dowladda la Hadlaan

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland oo maanta la wareegay gacan ku haynta dhismaha barlamaanka Puntland ee Garowe ayaa dib ugu laabtey Xerooyinkoodii kadib markii u la hadlay Islaan Ciise oo ka mid ah Isimada aadka looga xurmeeyo  Puntland. Ciidamadan ayaa ka  cabanayay mushaar la’aan haysatay Dhamaadkii bilihii sanadkii hore ee 2016-ka iyo Daryeel la,aanta ciidamo ka tirsan oo ...

Read More »

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Iscasilay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimadda Galmudug, Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa sida uu sheegay. Dhawaan ayaa Baarlamaanka Maamulka Galmudug waxaa ay sheegeen in xilkii ay ka qaadeen C/kariin Xuseen Guuleed in kastoo uu diiday xil ka qaadista. Halkaan ka Akhriso

Read More »