Monthly Archives: January 2017

Real Madrid Oo Muddo Bil Ah Waayi Doonta Adeega Marcelo Iyo Luka Modric Iyo Zidane Oo Uu Walwalka Dhaawac Ku Sii Batay.

Real Madrid ayaa walwal horleh wajahaysa kadib markii uu ay dhaawacyo soo gaadheen Marcelo iyo Luka Modric intii lagu jiray guushii ay Santiago Bernabeu kaga gaadheen kooxda Malaga. Marcelo ayaa kulankii Malaga laga saaray kadib markii uu 25 daqiiqo oo kaliya ciyaarta ku jiray halka Luka Modric si taxadar ah loo badalay balse wararka Spain laga helayo ayaa muujinaya in ...

Read More »

Shkodran Mustafi & Alexis Sanchez Oo Guul Muhiim Ah Ku Hogaamiyay Toban Ciyaartoy Oo Arsenal Ah, Granit Xhaka Oo Kaadhka Cas Loo Taagay Iyo Gunners Oo Dirqi Ku Heshay Kaalinta Labaad Ee Premier Leaque-ga.

Arsenal ayaa u baahtay in ay daqiiqadii 97 aad ee kulankii Emirates Stadium guul kaga gaadho kooxda Burnley oo u muuqatay in ay waqtigii dhimasada ee dhamaadkii kulankan heshay hal dhibic kadib markii ay goolka barbaraha heshay daqiiqadii 92 aad ee kulankan laakiin laba rekoodhe oo la dhigay saddex daqiiqo gudahood ayaa natiijadii kuankii Arsenal iyo Burnley ka dhigtay mid ...

Read More »

War Deg Deg ah:- Qof Dumar ah oo Goor dhaw lagu dilay Degmada Yaaqshiid

Sida ay noo Xaqiijiyeen Dad Goobjoogeyaal ah waxaa Goor Dhow Suuqa lagu Magacaabo Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir lagu Toogtay Qof Dumar ah oo ka mid aheyd Dadka ku Ganacsada Suuqa. Marxuumada la Dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Hooyo Aamino Maxamuud Axmed,waxaana la sheegay in ay Suuqa ku iibineysay Dhar Huudheey ah. Goobjoogeyaasha ayaa KNN ...

Read More »

Saxaafadda mareykanka oo si caro leh uga jawaabtay eeda Trump

Warbaahinta dalka mareykanka ayaa si caro leh uga jawaabay hadal ka soo yeeray madaxweynaha cusub Donald trump. Madaxweynaha ayaa warbaahinta ku eedeeyay inaysan daacad ahayn ka dib markii ay ka warrameen in dad badan aysan ka qeybgalin munaasabaddii lagu dhaariyay. Trump ayaa sheegay in 1.5 milyan oo qof ay ka qeybgaleen munaasabadda, balse cadeyn muusan bixin. Balse shirkadaha warbaahinta ayaaeeda ...

Read More »

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo la doortay

waxaa  Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Doorashadii Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Labadiisa Kuxigeen oo Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho. Mowliid Xuseen Guhaad oo helay 28 Cod ayaa ku Guuleystay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Aqalka Sare, wuxuuna ka adkaaday C/kaafi Macalin Xasan oo helay 24 Cod. Sidoo kale Maanta waxaa la doortay Abshir Maxamed Axmed Abshir Bukhaari oo noqday Guddoomiye ...

Read More »

Tottenham Oo Guul Ka Hor Joogsatay Man City, Dhibaatada Dhamaystir Xumada Sky Blues Oo Halkeeda Ka Sii Socota Iyo Spurs Makale Xaalada Ku Xumaysay Guardiola Iyo Wiilashiisa City.

Manchester City ayaa iska tuurtay hogaanka ciyaarta ay 2:0 ku haysay waxayna Tottenham samaysay soo laabasho cajiib ah si ay xaalada ugu sii xumayso Guardiola iyo wiilashiisa Sky Blues oo markale ku fashilmay in ay muujiyaan awoodooda gool dhalineed. Leroy Sane iyo Kavin De Bruyne ayaa u muuqday in ay Man City guul ku hogaamiyeen laakiin Dele Alli iyo Heung-Min Son ...

Read More »

War Deg Deg ah:- Dab Xoogan oo Caawa ka kacay Suuq Boocle

Dab Xoogan ayaa Caawa ka kacay Suuq lagu Magacaabo Suuq Boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir. Dabka ayaa la sheegay inuu ka Kacay Suuqa,waxaana hadda Socda Dadaal lagu daminayo Dabka,iyadoo Gaadiidka Dab damiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud ay tageen Goobta. Lama Oga waxa Sababay Dabka Caawa ka kacay Suuqa lagu Magacaabo Suuq Boocle ee Degmada ...

Read More »

War Deg Deg ah:- Taliyaha Booliska Gobolka Sh/dhexe oo Caawa Qarax lagu dilay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in Caawa Qarax Bam lagu dilay  Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye . Wararka ayaa intaa ku daraya in Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye uu ku dhintay Bam Gacmeed Caawa lagu Weeraray Guri uu ka Degen yahay Magaalada Jowhar islamarkaana ku ...

Read More »

Maxkamada ICJ oo go’aan ka gaartay Dacwada Badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Qarammada Midoobay (ICJ) waxay soo jeedin doontaa go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee dacwadda soohdinta badda ee ay Soomaaliya ku soo oogtay Kenya. Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqi doona go’aanka Maxkamadda Galabnimada Khamiista, 2-da Febraayo 2017. Go’aanka Maxkamadda looga fadhiyaa waa in ay dacwadda gasho sida ay Soomaaliya dooneyso ama ...

Read More »