Ciidamada AMISOM oo Qarax Xoogan lagula eegtay Magaalada Muqdisho

0
27

Muqdisho (Sh M Network)—Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Kolonyo ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxaa lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgooyska SOS iyo Suuqa Xoolaha, gaar ahaan Daarta Maalin-Taajir, sida Goobjooge uu u sheegay Idaacadda Shabelle.

Ciidamada AMISOM oo Qaraxa lagu beegsaday ayaa xiray Wadda labadeeda dhinac, waxaana halkaasi ay ka jiiteen Gaariga uu saameeyay Qaraxaasi Miino.

Weli lama soo sheegin hadii uu jiro khasaaro nafeed oo Ciidamada Nabad Ilaalada ka soo gaaray Qaraxan.

Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay u dhaxeysa Isgooyska SOS iyo Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here