Shaxda Rasmiga Ah Ee Eibar Vs Barcelona Iyo Luis Enrique Oo Isbadal Ku Sameeyay Shaxdii Uu Guusha Kaga Soo Gaadhay Real Sociedad.

0
61

Barcelona ayaa marti u ah kooxda Eibar waxayna kulankan ciyaaraysaa iyada oo maanka ku haysa in kooxaha Real Madrid iyo Sevilla ay guulo ka gaadheen kooxaha Malaga iyo Osasuna sida ay u kala horeeyaan isla markaana ay heleen saddex dhibcood oo ay sare uga kaceen booskii ay ku jireen, sidaa daraadeed kooxda Luis Enrique ayuu hamigeedu yahay in ay culayska ku sii hayso Real Madrid iyo kooxda xili ciyaareedkan wacdaraha la soo baxday ee Sevilla.

Tababare Luis Enrique ayaa isbadal ku sameeyay shaxdii uu guusha kaga soo gaadhay kulankii Real Sociedad isaga oo shaxdiisa ku soo bilaabay Arda Turan, Jordi Alba iyo Jeremy Mathieu waxaana kaydka ku jira Gerard Pique, Andre Gomes iyo Lucas Digne halka goolhaye Ter Stegen uu dib ula wareegay goolka Barcelona kadib markii fursad la siiyay kulankii Copa Del Rey-ga. Mascherano ayaa kulankan ganaax ku maqan.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

BARCELONA: Ter Stegen, Samuel Umtiti, Jeremy Mathieu, Jordi Alba, Sergi Roberto, Sergio Busquets, Ivan Rakitic, Arda Turan, Lionel Messi, Neymar JR iyo Luis Suarez.

KAYDKA:13.Cillessen 3.Piqué 6.Denis 17.Paco Alcácer 19.Digne 21.André Gomes 22.Aleix Vidal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here