Arsene Wenger Oo Raali Galin Ka Bixiyay In Uu Riixay Garsooraha Afraad Ee Anthony Taylor Iyo Wenger Oo Ganaax La Kulmi Kara.

0
28

ababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa raali galin ka bixiyay ficilkiisii xumaa ee uu ku riixay garsooraha afraad ee kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Burnley. Arsene Wenger ayaa riixay garsoore Anthony Taylor oo ahaa garsoorihii kaydka Emirates Stadium ku qornaa waxaana Wenger la siiyay kaadhka cas iyada oo Jonathan Moss uu arinta soo faro galiyay isla markaana waxa uu taaraboonka u diray macalinka ree France oo markii danbe qaladkiisa qirtay.

Arsene Wenger ayaa ganaax kala kulmi kara xidhiidhka kubbada cagta Ingiriska iyada oo ku xidhnaan doonta nooca warbixinta ay kulankii Burnley iyo Arsenal ka gudbin doonaan garsooraha afraad ee Anthony Taylor iyo garsooraha kowaad ee Jonathan Moss iyada oo sidoo kale Granit Xhaka uu kaadhka cas oo toos ah qaatay.

Arsene Wenger oo ka shalaynaya ficilkii uu casaanka ku qaatay isla markaana uu garsooraha afraad ku riixay ayaa yidhi: “Waxaan ka shalaynayaa wax kasta. Waxaa waajib igu ahayd in aan iska aamuso oo aan guriga tago may ahayn in aan taas sameeyo. Taas waan ka raali galinayaaa. Coquelin waxa uu sheegay  in aanu aanu isaga taaban laakiin anigu maan arkayn. Daacad ahaantii aniga aragtidayda u maan arkayn in ay rekoodhe tahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here