Qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay suuq ku yaala magaalada Baqdaad

0
24

Ku dhawaad 21 ruux ayaa ku dhintay 40 kalana way ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaala bartamaha magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Qaraxyada ayaa ka dhacay dukaano isku dhow oo lagu iibiyo qalabka baabuurta oo ku yaalay suuqa Al Sinak ee magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen saraakiisha booliska.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxyada ka dhacay suuqaasi mashquulka badan.

Caasimada Ciraaq ayaa deris la noqotay qaraxyo kala duwan oo lala eegto goobaha dadweynaha ku badan yihiin.

Saraakiisha booliska dalka Ciraaq ayaa sheegay in mid kamid ah qaraxyada uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku xiray, qaraxa labaadna uu ahaa qarax horey goobta loogu diyaariyay.

Laakiin waxaa soo baxaya in labada qarax ay ahaayeen kuwo goobta horey loogu diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here