Heshiis xabad joojin ah oo caawa ka dhaqan galaysa dalka Siiriya

0
155

Dowlada Siiriya iyo mucaaradka ka soo horjeeda ayaa gaaray heshiis xabad joojin ah oo caawa saqda dhexe bilaabanaysa kadib wadahadalo ay yeesheen labada dhinac.

Heshiiskan ayaa waxaa ku dhowaaqay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyadoo uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha dibada dowlada Turkiga. Wadamada Ruushka iyo Turkiga oo kala  taageeraya dhinacyada iska soo horjeeda ayaa heshiiskan qeyb libaax ka qaadanaya.

Qaar ka mid ah afhayeenada ururada mucaaradka Siiriya ayaa xaqiijiyay heshiiskan balse qaar ka mid ah ururada Jihaadiga ah ayaan ka mid ahayn heshiiskan.

War kaa soo baxay ciidamada Siiriya ayaa lagu sheegay in ururka IS iyo Jabhada Fateh al-Sham oo hore loo oran jirey Nusra iyo kooxaha ka farcama ayaan ka mid ahayn heshiiska. Heshiiskan ayaa waxaa uu ka dhaqan galayaa bariga Ghouta oo ku dhow Dimishiq iyadoo deegaankaa uu ahaa mid si  weyn loogu dooday.

Horaantii bishan ayay dowladaha Ruushka iyo Turkiga waxa  ay garwadeen ka noqdeen in xabad joojin ka dhaqan gasho magaalada labaad ee ugu weyn Siiriya halkaa oo tobanaan kun oo maleeshiyada mucaaradka iyo dad rayid ah oo ku xayirnaa magaaladaas laga daadgureeyay. Horaantii sanadkan ayaa xabad joojin ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay uu si dhaqso ah ku burburay.

Heshiiskan oo aan hore loo saadaalin ayaa la filayaa in uu horseedo wadahadalo ay isugu yimaadaan bil kadib dowlada Siiriya iyo kooxaha mucaaradka iyadoo wadahadalada lagu qaban doono caasimada Jamhuuriyada Khasakhistan ee Astana.

Ugu yaraan 300,000 oo ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dagaalo ka socday dalka Siiriya kaasoo bilowday bishii March 2011, iyadoo dagaaladaa ay ahaayeen kuwo yimid kadib kacdoon shacbi oo loogaga soo horjeeday Madaxweyne Bashar al-Assad.

Illaa afar malyan oo ruux ayaa ka cararay dalka Siiriya iyagoo magangelyo u raadsaday dalalka deriska la ah iyo weliba dalal ka mid qaarada Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here