War Deg Deg ah:- Mid kamid ah Ergadii Galmudug wax ku Doortay oo Caawa lagu dilay Muqdisho

0
219

Koox Hubeysan ayaa Caawa Nin Oday ah oo lagu Magacaabo Nabadoon Axmed Dhoore oo kamid ahaa Ergadii tagtay  Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug,waxna ka soo doortay Xubnaha Aqalka Hoose  Salaadii Cishaha ku Dishay Masaajidka weyn ee Degmada Heliwaa ee Gobolka banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay baxsadeen Kooxda Dilka Geysatay,waxaana halkaas tagay Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo baaritaano sameeyay,inkasroo aysan jirin Cid ay soo qabteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here