Baarlamaanka cusub oo loogu baaqay inuu baabi’iyo go’aanadii Madasha

0
206

Baarlamaanka cusub ee Federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inuu baabi’iyo dhamaan go’aamadii Madasha Wada-tashiga Qaran ay gaartay, kaddib markii shalay uu si rasmi ah ula wareegay talada dalka.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa lagu wadaa inuu dib u eegis ku sameeyo go’aanada qaar ee ay gaareen oo loo arkay in aanay aheyn kuwo dastuur ah.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Baarlamaanka cusub uu kulanka ugu soo horeeyay ee uu dhowaan yeelanayo ku go’aamin doono dib u dhigista 18-ka xubnood ee lagu kordhiyay Aqalka Sare, kaasoo ka mid ahaa go’aanadii Madasha gaartay 24-kii bishan.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha oo u arkayay Madasha Wada-tashiga qaran kuwo afduub u heystay masiirka umadda ayaa kula taliyay Baarlamaanka cusub inuu qaado tallaabo wadaniyad ku jirto.

Musharax Madaxweyne Maxamuud Axmed Tarsan ayaa u jeediyay Baarlamaanka cusub inuu gebi ahaanba laalo go’aanadii Madasha ka soo baxay, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka, si loo noqdo dowlad ku dhaqanta dastuurka iyo sharciga u degsan.

“Waa in ay cadaataa in sharcigu sareeyo oo aanan noqon umadda ku shaqeysa rabitaanka shaqsiyaad”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Baarlamaanka cusub ee labada Aqal ee ka kooban Golaha shacabka iyo Aqalka Sare ayaa shalay markii la dhaariyay waxaa uu durba ku dhawaaqay inuu go’aan ka gaarayo shuruucda doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here