Sawiro;Mataano madaxa isaga dhegenaa qalliina lagu kala fujiyay oo ciyaar bilaabay (Video)

0
465

Xaalada caafimaad ee Jadon iyo Anias McDonald oo ah wiilal mataano ahaa oo madaxa isaga dhegenaa oo lagu sameeyay qalliin lagu kala fujiyay ayaa soo wanaagsanaaneysa iyagoo bilaabay hadaaq iyo ciyaar.

 

Wiilashan oo toddobaad kahor laga soo saaray isbitaalka ayaa u muuqda inay wanaagsan yihiin inkastoo mid kamid ah weli ay ka muuqdaan dhibaatadii ka soo martay qalliin socday muddo 72 saacadood ah oo lagu kala qeybinayay.

Hooyada carruurtan dhashay Nicole ayaa soo dhigtey baraheeda bulshada muuqaal laga arkayo carruurta oo ciyaaraysa hadaaqna laga maqli karo.

Ka soo kabsashada qalliinkan madaxa lagu kala fujiyo ayaa noqotay tii ugu dhaqsiyaha badneyd iyadoo hore loo hayay soo kabsasho sided toddobaad ah balse wiilashan ay muddo lix toddobaad ah laga dareemay caafimaad.

Wiilka la yiraahdo Jadon ayaa ka awood badan walaalkii Anias kaas oo weli u baahan tuubooyinka neefsiga, balse waxa ay dhaqaatiirtu sheegeen in Anias qalliinka kahor uu ahaa mid tabar daran oo ka awood yar mataankiisa.

Hase yeeshee Dr Philip Goodrich oo ah dhaqtarka qalliinka sameeyay ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in Anias uu soo kabsan doono dhowaan.

Carruurtan ayaa ku dhashay bishii September ee kal hore meel ku dhow Chicago,Illinois iyagoo madaxa isaga dhegen waxaana lagu sameeyay hooyada dhashay carruurtan qalliin.

Qalliinka mataanahan lagu kala qeybiyay ayaa noqday kan ugu qarashka badnaa caalamka iyadoo ay ku baxday lacag gaareysa $2.5million, iyadoo qalliinkana lagu sameeyay Montefiore Hospital in the Bronx.

Video Player

00:00
00:14

qalin-matano-1

qalin-matano-2

qalin-matano-3

qalin-matano-4qalin-matano-5

qalin-matano-6

qalin-matano-7qalin-matano-8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here