“Marwaliba Ay Lacag Soo Bixiyaan, Waxaan Sameyn Doonaa Wax Waliba Si Ay U Farxaan” Mustafi Oo Balan Qaad U Sameeyay Jamaahiirta Gunners

0
54

Shkodran Mustafi ayaa balan qaad u sameeyay jamahiirta Arsenal isagoo sheegay inuu ku dadaali doono inuusan sahal ku jabin rikoorkiisa ah inuusan wali wax guuldaro ah kula kulmin maaliyda kooxda Arsenal, wuxuuna sheegay in xitaa hadii uu guuldareysto in aysan noqon dooni dadaal la’aan.

Daafacaan ayaa si jamaahiirta garoonka Emirates si wanaagsan isku baray tan iyo markii uu kaga soo biiray dhanka kooxda Valencia xagaagii wuxuuna si weyn saaxiib ula noqday Laurent Koscielny iyagoo xaqiijiyay in daafaca Gunners uusan noqon mid biyo deys ah.

Isagoo la hadlayay Goal wuxuu yiri “Waxay jamaahiirta halkaan u yimaadaan iney na taageeraa, lacag kuma qaataan imaatinka garoonka ee lacag ayeey ku bixiyaan, mararka qaar waxaa u dheer iney safar galaan kulamada aan martida nahay, sidaasi darteed waa inaan xushmeeynaa oo aan dib ugu abaal gudnaa garoonka dhexdiisa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here