Monthly Archives: November 2016

Magaalada Muqdisho Oo Howlgal Culus Laga Fulin Doono…

Taliyaha qaybta boliska gobolka Banaadir  Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in howlgal ay ka wada qeybqaadanayaan qeybaha ciidamada uu ka bilabanayo magaalada Muqdisho kaasoo lagu adkeynayo amaanka guud ee magaalada. “Ciidamada noocyadooda kala duwan  ee ku sugan gobolka Banaadir, waxaan u sheegaynaa in ciidanka laysku dhafay ee howlgallada wada in ay marnaba  ogolaan doonin  cid kasta oo ciidamada ka ...

Read More »

Daawo:-Madaxweyne”Ku Xigeen-ka Maamulka Hir-Shabeelle Oo Dhagax Dhigay…

Ku simaha madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe  ayaa dhagax dhigay wado cusub oo laga dhisayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle. Wadadda  oo noqon doonta laami oo gaareysa 3 KM ayaa laga dhisayaa xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar, waxaana iska kaashanaya Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ILO, wasaaradda shaqada dowladda Federaalka iyo maamulka Hirshabeelle.

Read More »

Dhageyso:-War Weyn Oo Uu Ka Soo Yeeray Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya…

Ra’iisul Wasaaraha Dowldda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa rajo wanaagsan waxa uu ka muujiyay in waqtigeeda ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowldda Federaalka Soomaaliya oo Magaalada Jabuuti kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu kaga warbixiyay halka ay marayaan arrimaha Doorashooyinka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ...

Read More »

XOG CUSUB :- Xasan Shekh Maxamuud Oo Looga Yeeray+Akhriso…

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wadahadal khatka Telefoonka ah uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Turkiga Erdogan. Labada Mas’uul ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xaalada Somalia iyo faragalnta Imaaraadka uu ku hayo Siyaasada Somalia, waxa uuna Xassan dhigiisa Macluumaad ka siiyay halka ay Imaaraadka u wado Siyaasada Somalia iyo Qodobo dhowr ah uu ka biya diiday inuu saxiixo taa oo lidi ...

Read More »

Mar Kale kulamo Xasaasi Ah Oo Lala Yeeshay Madax Jabuutiyaan Ah…

Ra’isalwasaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Hormarada uu Hiigsanayo. Cumar C/rashiid oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo uga warbixiyay xaalada Soomaaliya, doorashooyinka dhowaan dhici doona, isagoo ka codsaday in Jabuuti gacan ka geysato. Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa dawlada Jabuuti ka codsaday inay Garwadeen ka ...

Read More »

Wararkii ugu dambeeyay Ee Magaalada Qandala

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib markii shalay Degmadaasi Duqeyn lagu garaacay. Waxaa la sheegay Dadkii ugu badnaa ee Degmada in Dooman iyo Maraakiib looga daad gureeyay Qandala, oo la geeyay Magaalada Boosaaso. Wararka waxa ay tilmaamayaan Maraakiibta Dagaal ee Duqeynta fulineysa in ay yihiin ...

Read More »

Hogaamiyaasha Al-shabaab oo la sheegay in ay ku Xanuunsanayaan Jubbada Dhexe

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal Geele ayaa sheegay inay jiraan khilaaf ka dhex taagan Al-shabab gudaheeda iyo hogaamiyaal iyaga ka tirsan oo ku xanuunsanaya Jubooyinka. Wasiirka ayaa Tilmamay in Hogaamiyaal ka tirsan Al-shabaab ay ku Xanuunsanayaan Gobolka Jubbada Dhexe,waxaana uu intaa ku daray Wasiir Geelle in Isgaarsiinta Jubbooyinka ay Shabaab u jarayaan si aan loo Ogaan ...

Read More »