Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay Guushiisa Xildhibaanimo

0
24

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka hoose Doorasho hada ka socota Xarunta Gaadiidka Booliska, kadib markii uu la tartamay labo musharax.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa la tartamaayay labo Musharax mid ka mid ah waa uu tanaasulay, halka midkii kalena uu kaga badiyay cod badni.

Ruuxa la tartamaayay Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa lagu magacaabaa Xasan Maxamed Nuur, waxaana uu helay hal cod oo kaliya sida Guddiga Doorashada ay ku dhawaaqeen.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa helay codad gaaraya 50 cod, sida madasha doorashada ay ka socoto ee Xero gaadiid laga sheegay.

Doorashooyinka Xubnaha Aqalka hoose ayaa ka socda Xarunta Gaadiidka Booliska oo si weyn amnigeeda maanta loo adkeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here