Monthly Archives: October 2016

Guddiga Doorashooyonka Dadban oo ka hadlay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban  Ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhagey ayaa ku baaq in Deg Deg loo joojiyo Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Abuukaate Cumar dhageey ayaa hoosta ka Xariiqay in Dagaalka Gaalkacyo uu keeni karo Dib u dhac ku yimaada Doorashada uu dalku isku diyaarinayo. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban  ayaa ugu baaqay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland in ay ...

Read More »

AMISOM” waan ka xun nahay in Ciidamada Itoobiya ay baxaan

Iyadoo Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen  Degmooyin iyo Degaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa bixitaankooda waxaa ka hadlay Taliska Guud ee Ciidamada AMISOM. Afhayeenka Ciidamada AMISOM  Jeo Kibet oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay ka Xun yihiin Ciidamada Itoobiya ee ka baxay qeybo ka mid ah Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Ciidamada baxay aysan ka mid aheyn ...

Read More »

WAR DEG DEG:- Madaxweynaha Puntland oo Goordhow gaaray Magaalada Carmo iyo Khilaafkii C/samad Maxamed Gallan oo la soo gaba gabeynayo

War hadda naga soo gaaray magaalada Carmo ee gobolka Bari ayaa sheegaya inuu goordhawayd halkaas gaaray madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo hogaaminaya wafdi ballaaran oo ka tirsan Goleyaasha dawladda. Ujeedka Safarka Madaxwaynaha ee Carmo ayaa Daarran sidii loo soo afjari lahaa khilaaf muddo soo taagnaa u dhexeeyay madaxwaynaha Puntland iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed ...

Read More »

Dhaq-dhaqaaq Ganacsi oo ka Bilowday Dekadda Hobyo “Sawiro”

Waxaa dhaq dhaqaaq Ganacsi oo aad u xoogan xiligaan uu ka jiraa dekadda magaalada Hobyo ee gobolka mudug. Dhawaan waxaa dekadda Hobyo la geeyay shactar loogu talagalay in uu gacan ka geysto socodsiinta howlaha gacansi ee dekadda. Maamulka galmudug ayaa maalmihi la soo dhaafay waday qoshe lagu hormarinayo dekadda degmada hobyo ee gobolka mudug. Weli waxaan si rasmi ah loo ...

Read More »

DEG DEG;-Galmudug oo Ciidamo badan Geysay Xadka ay la wadaagto Itoobiya

Wararka Ay Heleeso Radio Cadaado ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug ay Ciidamo badan geysay Degaanka Miircawleed ee Gobolka Galgaduud iyo Degaano kale oo ka tirsan isla Gobolka Galgaduu islamarkaana dhaca Xadka Galmudug ay la wadaagto Maamulka Soomaalida Itoobiya Ciidamadaan oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa Shalay illaa Xalay halkaas gaaray,waxaana lagu sheegay in Ujeedku uu yahay in ay ka hortagaan Abaabul ay wadaan ...

Read More »

Taliyaha ugu Sareeyay Ciidamada Jabuuti oo Goor dhaw Gaaray Baledweyne

Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Jabuuti iyo Saraakiil kale ayaa Goor Dhaw  gaaray Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Taliyaha iyo Saraakiisha ku Weheliya Socdaalkiisa ayaa Booqanaya Xarunta Ciidamada Jabuuti ee ku taalla Galbeedka Magaalada Baledweyne oo Maalmo ka hor Qarax Ismiidaamin ah lagu Weeraray. Dowladda Jabuuti weli ma sheegin Tirada Rasmiga ah ee uga dhintay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Shabaab ...

Read More »

Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose

Dagaal u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay Degaanka Number 50 Ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana Dagaalka uu yimid ka gadaal markii Shabaab ay Weerar ku qaadeen Fariisimo Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Number 50. Dagaalka ayaa la sheegay inuu Sababay  Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhinnacyada Dagaalamay. Sidoo kale Al-shabaab ayaa la sheegay in ay Xalay ...

Read More »