Monthly Archives: October 2016

Ergada Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo u Codeeyay in Jowhar ay noqoto Caasimadda Mamaulkaas.

Ergada ka qeybgalaysa shirka maamul u sameynta Sh/dhexe iyo Hiiraan oo cod u qaaday goor dhow xarunta maamul goboleedka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ,waxaana Ergadu ay isku raaceen in ay Caasimaddu noqoto Magaalada Jowhar. Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa ergo ka socota beelaha labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ka doodayeen dastuurka maamul goboleedka uu ...

Read More »

Guddiga Doorashooyinka Dadban oo War ka soo saaray Arrimaha Doorshooyinka

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer qaran ayaa Maanta soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan goobta ay ka dhacayso Doorashooyinka xildhibaanada Gobolada Hiiraan iyo shabeelada Dhexe. War-saxaafadoodkooda ayaa waxay ku sheegeen in iyaga oo xaqiijineyna xilka iyo waajibka GFHDD ee ku xusan qodobka 6aad xeerka lagu dhisay guddiga oo qeexaya “Guddiga GFHDD wuxuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada ...

Read More »

Musharaxa Madaxweyne C/raxmaan C/shakuun oo Maanta tagay Dhuusamareeb

Musharaxa Madaxweyne  C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne ee Soomaaliya ayaa Maanta tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Mudane C/raxmaan  C/shakuur Warsame ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Ahlusunna  iyo Qaar ka mid ah Bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb. Musharaxa C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa la filayaa inuu kulamo ...

Read More »

Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta tagay Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Garoonka Baydhabo ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed. Madaxweynaha ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed,iyadoo ay hadda Kulamo uga socdaan baydhabo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ...

Read More »