Al-shabaab oo la Wareegay Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay

0
27

Wararka ka imaanaya Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen  Degaankaasi oo horay ay u joogeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa Degaanka Goof-gaduud kula Wareegay Dagaal mudo socday oo ay la galeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka oo dhacay Xalay Xilli dambe ay ku dhinteen Saddex Ruux oo ka mid ah Dhinacyadii Dagaalamay,halka uu Dhaawacu gaarayo illaa Toban kale.

Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa lagu qoray in Al-shabaab ay la wareegeen Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay islamarkaana ka mid ah Degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed weli kama hadlin Wararka ku aadan Al-shabaabka qabsaday Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here