Gaari AMISOM ay leeyihiin oo Duleedka Muqdisho ku Jiiray Mooto Bajaaj

0
53

Hal Qof ayaa Dhintay Labo kalena wey dhaawacmeen kadib markii Gaari ay leeyihiin Ciidamada  AMISOM uu Degaanka Jasiira Ee Duleedka Muqdisho uu ku jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Saddexda Qof ee Mid uu dhintay.

Qofka Dhintay iyo Labada dhaawacmay ayaa la keenay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska Degmada Wadajir iyo Ciidanka AMISOM ee Jooga Degmada wadajir ayaa Gacanta ku dhigay gaarigii Dhalinyarada Jiiray,waxaana ay hadda wadaan Baaritaan ay ku Ogaanayaan Sababta  Gaariga uu u jiiray Mooto Bajaajka.

Ciidamada AMISOM Gaadiidkooda  ayaa Dhowr jeer Dad Shacab ah ku jiiray Magaalada Muqdisho,kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here