Al-shabaab oo Hawada ka saaray Isgaarsiinta Gobolada Jubbooyinka

Wararka ka imanaya Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay Maanta Hawada ka saareen Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka Howlgala Jubbooyinka,waxaana Magaalooyin ay ku jirto Kismaayo laga dareemayaa  Isgaarsiinta oo Hawada ka maqan.

Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in Al-shabaab ay Hawada ka saareen Isgaarsiinta Gobolada Jubbooyinka,iyadoo loo maleynayo in ay la xariirto Dhaqdhaqaaqyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwa Jubbaland iyo AMISOM ay ka wadaan Gobolada Jubbooyinka.

Warar aan la Xaqiijin ayaa sheegaya in Maanta Gobolka Jubbada Dhexe ay ka dhacday Duqeyn Diyaaradeed oo lala beegsaday Rag ka tirsan Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*