Nabaddoon Caan ah oo lagu Dilay Magaalada Baardheere

0
187

Allaha u naxariistee waxaa Xalay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo lagu dilay Nabaddoon Caan ka ah Magaaladaas iyo Gobolka Gedo intaba.

Nabaddoonka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Ibraahin Qorax,waxaana la Toogtay mar uu ka soo baxay Masaajid ku yaalla Magaalada Salaadii Cishe ee Xalay.

Guddoomiyaha Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo ayaa Radio kulmiye u sheegay in Labo Wiil oo Bastoolado wata ay Dileen Nabaddoon Qorax Xilli uu ka soo baxay Masaajid u dhaw Gurigiisa.

Guddoomiyaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Dilka Allaha u Naxariistee Nabaddoon Ibraahin Qorax ku Eedeeyay in ay ka dambeeyaan  Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here