6 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya

0
163

Ugu yaraan lix ruux ayaa ku naf-weyday weerar ka dhacay xaafadda Buulo Public ee magaalada Mandheera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya,sida laga soo xigtay booliska.

Afhayeenka u hadlayay booliska ayaa sheegay weerarka oo xalay dhacay in looga shaki-sanyahay inay fuliyeen dagaal-yahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Mandheera,Cali Roba oo weerarka ka hadlay wuxuu sheegay in goobta ay weerarren dableyda in laga soo badbaadiyay ku dhawaad labaatan ruux oo u badan saraakiisha ammaanka.

“Lix qof oo ka tirsanaa 33 qof oo aan maxaliyiin ahayn ayaa la dilay 27 ayaana lasoo badbaadiyay oo saraakiisha ammaanku soo badbaadiyeen,” Mr Roba ayaa sidaa sheegay.

Ciidamo ka tirsan booliska ayaa u gur-maday goobta uu weerarka ka dhacay,waxaana laga maqlay qarax dhacay,laakin dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay qaraxa khasaare inusan geysan.

Weerarro dhowr ah oo boqollaal qof ay ku dhinteen ayaa ka dhacay Kenya tan iyo markii ciidamo ka socda dalka ay gudaha u galeen sanadkii 2011 -kooxda al-Shabaab oo diidan jogitaanka ciidamada ayaa sheegatay dhamman weerarrada dalka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here