Saraakiisha Galmudug oo Kulan Deg Deg ah ka yeeshay Ciidamada C/wali Gaas uu Gaalkacyo soo dhoobay…

0
204

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Galmudug ayaa Xalay Kulan Deg Deg ah ku yeeshay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug markii laga warhelay Ciidamo aad u badan oo Puntland ay soo dhoobtay Waqooyiga Magaalada gaalkacyo islamarkaana laga soo daabulay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee Kulanka deg deg ah yeeshay ayaa sheegay in Dowladda Galmudug ay Heegan galisay Ciidamadeeda oo ay u diyaar garowday Dagaal uga yimaada Maamulka Madaxweyne C/wali Cali Gaas.

Sidoo kale Kulanka ay Xalay isugu yimaadeen Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee Gaalkacyo ka dhacay waxaa kale oo ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Dowladda Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dadka ku nool ee ku kala abtirsada Maamulada Galmudug iyo Puntland waxaa ay Xalay ku seexdeen Cabsi ku aadan in lagu dul dagaalamo.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug C/karin Xuseen Guuleed ayaa horay u sheegay in Heshiiskii lagu gaaray Magaalada Gaalkacyo ay ja biyeen Maamulka C.wali Gaas ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here