Dhageyso:-Tobabar Lagu Baranayo Casharo Muhiim U Ah Saxafiyiin Soomaaliyeed Oo Maanta Muqdisho Laga Furay…

0
198

Waxaa maanta magaalada Muqdisho tawabar looga furay sodon saxafi oo ka kala howlgala muqdisho iyo gobolada dalka gaar ahaan war doonayaasha warbaahinta muuqaalka ah

Tabarkan oo socon doono maanta iyo bari ayaa wariyaashan waxaa lagu barayaa habka tabinta doorashada maadaama wadanka uu galayo dhawaan isbadal looga gudbayo nidaamkii dhamaaday ee afartii sano ee lasoo dhaafay

Xiiriiriyaha guud  mashruuca horumarinta warbaahinta soomaaliyeed abuukar allbadri oo furitaanka tabarkan ka hadlay  waxa uu sheegay in qorshahan uu socon doono islamarkaana ay iska kaashanayaa hayadaha I M S Iyo Fooja Cod

Tawabarkan maanta loo furay qaar kamid ah wariyaasha ka howlga muqdisho iyo gobolada dalka gaar ahaan kuwooda warbaahinta muuqaalka ah  ayaa waxaa xigi doona mid kale oo ay ka faa,iideesan doonaa qaar kamid ah wariyaasha ka howlgala idaacadaha oo ka kala imaan doona gobolada dalka iyo magaaladan muqdisho.

Warbixin Amuur Taasi Ku Saab-san Waxa Magaalada Muqdisho Nooga Soo Diray Wariye Maxamed Axmed Xasan Yuulka

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here