Deg Deg:- Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug oo Weerar ku qaaday Maleeshiyaad Godinlabe Isbaaro dhigtay

0
172

Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ay Goor dhaw Weerar ku qaaday Maleeshiyaad Degaanka ah oo Isbaaro dhigtay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud islamarkaana ay Galmudug Maamusho.

Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug iyo Dableeyda Isbaarada dhigatay Degaanka Godinlabe ayaa waxaa dhexmaray Dagaal Kooban ,waxaana la sheegay in Weerarka Ciidamadu ay ku qaadeen Maleeshiyaadka ay ku dhaawacmeen Dad Shacab ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ayaa noo sheegay in Maleeshiyada Isbaarada dhigtay ay u baxsadeen dhanka Magaalada Dhuusamareeb.

Galmudug ayaa Dagaal kula jirta Maleeshiyaadka Isbaarada Sharci darada ah dhigata Degaanada ay Maamusho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here