Monthly Archives: October 2016

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Puntland oo ku kulmaya Imaaraadka Carabta

Warar lagu Kalsoonaan karo oo laga helayo Wadanka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayyaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Maamulada Puntland iyo Galmuudg ee kala ah C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ay ku kulmi doonaan Dalka Imaaraadka. Kulanka Labada Mas’uul ayaa looga hadli doonaa Dagaalka Magaalada Gaalkacyo iyo sidii loo joojin lahaa. Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyneyaasha Puntland iyo ...

Read More »

Al-shabaab oo la Wareegay Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay

Wararka ka imaanaya Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Al-shabaab ay la wareegeen  Degaankaasi oo horay ay u joogeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Al-shabaab ayaa Degaanka Goof-gaduud kula Wareegay Dagaal mudo socday oo ay la galeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka oo dhacay Xalay Xilli dambe ay ku dhinteen Saddex Ruux oo ka mid ah Dhinacyadii ...

Read More »

Deg Deg:- Ciidamada Galmudug oo Xoog ku soo Furtay Gabar Ajaanib ah oo lagu haystay Camaara

Ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ayaa Xalay Howlgal ay ka fuliyeen Degaanka Camaara ee Gobolka Mudug,waxaa ay Xoog ku soo furteen Gabar Ajaanib ah oo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ay ku haysteen Degaanka Camaara. Gabadha ay soo furteen Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug ayaa u dhalatay Wadanka Kenya,waxaana sidoo kale Kooxda Burcad Badeeda Soomaalida ay gacanta ugu jirtay illaa 18 Bilood. Ciidamada ...

Read More »

DHAGEYSO;-Gudiga doorashooyinka dadban ee galmudug oo beelaha ugubaaqay in 24 saac gudoohood ay kusoodhamaystiraan ergad dhiman

Gudiga doorashooyinka galmudug ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan hoolaha doorasho ee galmudug gudoomiha gudiga doorashooyinka dadban ee galmudu xuseen shiikh maxamed oo wareysi siiyay radio cadaado ayaa sheegay in ay hada socoto xulista ergada islamarkaan laga doonayo beelaha ergadu kudhimantay in ay kusoodhameystiraan 24 saac gudohood Halkaan kadhagayso Codka

Read More »

Sawiro-Banaabax Xoogan Oo Maanta ka Dhacay Caabudwaaq kasi oo looga so horjeeda Dil Loogeestay macalin iskuul

Mudaharaad ay soo agaasimeen bahda waxbarashada oo lagu diidan yahay dilalka qorshaysan ee loogu gaysanayo dagmada dadka indhaha u ah bulshada ayaa lagu qabtay garoonka Kubadda cagta ee Roobda’ay ee Magaalada caabudwaaq, waxaa kala qayb galay Bahda waxbarashada banaanbaxa ay soo agaasimeen Waalidiin iyo ardada wax ka barata Iskuulada degmada iyo jaamacada Galgaduud Dadka dhigayay mudahaardka maanta oo u badnaa ...

Read More »

Sawiro-Madaxweynayasha Galmudug iyo Hirshabelle oo safar deg deg ah ku gaaray Dalka Imaraadka

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed  ayaa maanta u amababxay safar deg deg kadib marki mudooyinkii dambe uu ku sugnaa magalada muqdisho. Safarka madaxweyne Guuleed ayaa la sheegay inuu ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta, halkasoo ay ku sii qulqulayeen madaxda maamulada dalka Soomaaliya. Waxa socdaalka ku wehliyay Madaxweynaha Dowlada Galmudug Cabdikariin xuseen Guuleed madaxweynaha Hirshabeelle waxayna shalay galabtii ka dhoofeen ...

Read More »

Gaari AMISOM ay leeyihiin oo Duleedka Muqdisho ku Jiiray Mooto Bajaaj

Hal Qof ayaa Dhintay Labo kalena wey dhaawacmeen kadib markii Gaari ay leeyihiin Ciidamada  AMISOM uu Degaanka Jasiira Ee Duleedka Muqdisho uu ku jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen Saddexda Qof ee Mid uu dhintay. Qofka Dhintay iyo Labada dhaawacmay ayaa la keenay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Booliska Degmada Wadajir iyo Ciidanka AMISOM ee Jooga Degmada wadajir ayaa Gacanta ...

Read More »

Al-shabaab oo Hawada ka saaray Isgaarsiinta Gobolada Jubbooyinka

Wararka ka imanaya Gobolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay Maanta Hawada ka saareen Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka Howlgala Jubbooyinka,waxaana Magaalooyin ay ku jirto Kismaayo laga dareemayaa  Isgaarsiinta oo Hawada ka maqan. Madaxtooyada Maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in Al-shabaab ay Hawada ka saareen Isgaarsiinta Gobolada Jubbooyinka,iyadoo loo maleynayo in ay la xariirto Dhaqdhaqaaqyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kuwa Jubbaland iyo AMISOM ...

Read More »

Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta yeeshay Kulankoodii ugu horeeyay

Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe. Baarlamaanka Hirshabeelle oo dhawaan ku guuleystay in ay doortaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa kulanka maanta ay yeesheen waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo ay goob joog ahaayeen kuxigeenadiisa. Baarlamaanka ayaa ka hadlay Maanta Shaqooyinka ay qabanayaan Maalmaha soo socda.

Read More »