Monthly Archives: September 2016

Warar kale oo ka soo baxay Dagaalkii Bariga Gobolka Mudug

Warar kale oo ka soo baxaya Dagaalkii ka dhacay Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu Dagaalku u dhexeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu qaatay Mudo Saacado ah islamarkaana ay ka qeyb qaateen Diyaarado Dagaal. Saaka Waabarigii ayey aheyd markii Warbaahinta ay heshay Warar sheegaya in Dagaalku uu u dhexeeyo Maleeshiyaad ka ...

Read More »

DHAGEYSO;-Banaanbax Rabshado wata oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Baxaanbax looga soo horjeedo Xukunka Dowladda India ay ku riday Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid. Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa Dhagax tuur ku bilaabay Gaadiidka Dadweynaha iyo Goobo Ganacsi oo ka ag dhawaa Goobaha uu Banaanbaxu ka dhacayay. Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa kala Eryay dadkii Banaanbaxa dhigay,kuwaas oo ...

Read More »

Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United v Leicester City – Kabtan Rooney Oo Keyd La Geliyay, Juan Mata Oo Ku Soo Bilowday Kulanka Maanta.

Tababare Jose Mourinho ayaa isbedelo waa weyn ku sameeyay shaxdiisa iyadoo kabtan Wayne Rooney sidii la filayay kursiga keydka la geliyay waana go’aan weyn uu gaaray tababaraha reer Portugal iyadoo kabtanka lagu eedeeyay qaab ciyaareed liita kulamadii u danbeysay. Luke Shaw ayaa isna taam u noqon waayay kulankaan iyadoo Blind uu ka ciyaarayo booska daafaca bidix, Smalling ayaana daafac dhexe ...

Read More »

Daawo sawirada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay dhalinta Muqdisho.

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya xalay kulan wada tashi ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee dhallinyarada Soomalaiyeed. Kulanka oo qeyb ka ah taxanaha Talowadaag & Xaldoon oo uu taabbageliyo Ururka Dhallinyarada SYV ayaa lagu lafa guray waxyaabaha ka qabsoomay Tiirarkii lixda ahaa ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyadoo dhallintu ay ...

Read More »

Dowlada Kenya oo isku qalqaalineysa in ay Dagaal Culus la Gasho Alshabaab.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay bilaabayso howgal cusub oo ay kula dagaalamayso Al-Shabaab ka dib markii ay kordheen weerarada ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Taliyaha Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay bilaabeen howlgal ka dhan Al-Shabaab oo laga sameyn doono xuduudka u dhaxeeya labada dal. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ...

Read More »

Maxkamad ku taal Hindiya oo dil ku xukuntay 50 ruux Soomaali lagu eedeeyay Burcad badeed

Maxkamad ku taala dalka Hindiya ayaa dil ku xukuntay 50 ruux Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 119 qof oo horay dowladda Hindiya u sheegtay inay ahaayeen burcad badeed. Illaa afar howl gal oo ciidamada badda Hindiya ka sameeyaan Xeebaha Badweynta Hindiya ayaa intii u dhaxeysay 2011 iyo 2012 ku soo qabteen dhalinyaro Soomaali lagu eedeeyay inay burcad badeed ahaa. ...

Read More »

Banaanbax looga soo hor jeedo Ciidamo dagaalamay Oo Magaalada Jowhar ka socda.

Jowhar(Radio Cadaado);-Magaalada Jowhar Ee Xarun Gobleedka Sh/dhexe waxaa ka socda Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya oo xalay isku rasaaseeyey gudaha Magaaladaasi. Dadka ku dhaqan Magaalada jowhar gaar ahaan xaafada ay dirita ka dhacday ayaa isugu soo baxay iney muujiyaan sida ay uga xun yihiin in Magaalada Jowhar gudaheeda uu iska hor imaad ku dhex maro ...

Read More »

Deg-Deg:- Nin dhimirka looga jiro Oo cunug uu dhalay ku dilay Muqdisho Waalidkiisana dhaawac u geystay

Mudhisho(Radio cadaado);-Xaafada Waxar Cadde Ee Degmada Hiliwaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhacdo ay aad uga naxeen dhamaan Dadka Deegaanka iyo intii ay maqal ahaanba u gaartay. Nin maanka looga jiro ayaa Xaafada waxar cade ku dilay ilmo yar oo uu dhalay isaga wuxuuna dhaawac culus u heystay labadii waalid ee isaga dhalay oo iyaguna araga la’aa (Indhooleyaal) Goor dambe ...

Read More »

DHAGEYSO;-WARKA DUHUR EE RADIO CADAADO 23=09=2016

Halkaan Kadhagayo Warka Duhur Ee Radio Cadaado oo Maanta Ay idinla socaod siidoonaan Wariyaasheena kala ah saadaq cabdi shidane saadaq laki iyo xafso cabdilaahi cabdule Warka Waxaa soosaaray Wariye xasan cali xasan nadaar waxaan farsamaynaya c.salaan dj   warka-duhur-ee-radio-cadaado-23092016

Read More »