Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta oo Muqdisho imaanaya

0
61

Ururka Jaamacada Carabta ayaa ku dhawaaqay in xoghayahooda guud Axmed Abu Geyd uu wafdi Jaamacada Carabta ka socda u soo diray Soomaaliya kuwaasi oo kusoo wajahan Muqdisho si ay u qiimeeyaan wadciga doorashada dalka inta aysan dhicin mida barlamaanka iyo Madaxweyne laguna gacansiiyo mas’uuliyinta dowladda dar dar galinta arimaha doorashada.

Afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Maxamud Cafifi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in arintaan ay tahay mid uu xoghayaha uu ahmiyad weyn ku siinayo sidii loola shaqeen lahaa saraakiisha Soomaaliya.

Booqashada wafdigaan oo qorshahoodi bilowday Talaadadii ayaa waxa ay kula kulmayaan Muqdisho Mas’uuliyinta ugu sareysa dowladda sida Madaxweynaha Soomaliya,qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada iyo bulshada rayid waxa ay sidoo kale arki doonan saraakisha caafimaadka Soomaliya.

Somalia ayaa gashay marxalad kala guur ah oo xiliga doorashada ah mida oo beesha caalamka indhaha ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here