Al-shabaab oo soo bandhigay Askari Kenyaan ah oo Gacanta ugu jira

0
25

Barta ay ineternetka ku leeyihiin Xarakada Al-shabab ayaa lagu baahiyay muuqaal gaaban oo kusoo muuqday askari Kenyan ah oo Al-shabab gacanta ugu jira Liyonardo Mangi Kio kaa oo ay kasoo afduubteen dagaal xoogan ay la galeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM.

Muqaalkaasi ayaa xanbaarsana codsi uu diraayay askarigaasi oo da’diisa ku sheegay 40-sano jir,Dowladda Kenya oo ah in laga siidaayo Gacanta Al-shabaab.

“Waxaan  ku biiray ciidanka Kenya 1997 waxaana  la shaqeenayay Guutada sagaalad ee wasaarada arimaha gudaha Kenya Markii iigu  horeeysay  ee AMISOM kusoo biiray sanadkaan 2016-ka waxana 15ki bishii Janaayo la igu qabtay weerar Ceel cade”ayuu yiri Askariga Kenyanka ah.

 

Waxa uu xusay Kiyo inay jiraan kuwa saxiibadiisa ah oo u baahan iyagu in laga siidaayo gacanta Al-shabab waxa uu codsi u diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Taliyaha xooga dalka Kenya in ay wada xaajood la galaan Al-shabab ayna fuliyaan dalabyadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here