Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United v Leicester City – Kabtan Rooney Oo Keyd La Geliyay, Juan Mata Oo Ku Soo Bilowday Kulanka Maanta.

0
236

Tababare Jose Mourinho ayaa isbedelo waa weyn ku sameeyay shaxdiisa iyadoo kabtan Wayne Rooney sidii la filayay kursiga keydka la geliyay waana go’aan weyn uu gaaray tababaraha reer Portugal iyadoo kabtanka lagu eedeeyay qaab ciyaareed liita kulamadii u danbeysay.

Luke Shaw ayaa isna taam u noqon waayay kulankaan iyadoo Blind uu ka ciyaarayo booska daafaca bidix, Smalling ayaana daafac dhexe ka garab ciyaaraya Bailly. Dhanka khadka dhexe Pogba iyo Ander Herrera ayaa iska garab ciyaaraya iyadoo Juan Mata uu ka ciyaaraato booskii Rooney ee No. 10

Waxaa garbihiisa taagan Lingard iyo Rashford iyadoo Zlatan Ibrahimovic uu hogaaminayo weerarka.

rooney

SHAXDA RASMIGA AH:

Man United: De Gea; Valencia, Smalling, Bailly, Blind; Pogba Ander Herrera; Juan Mata, Lingard, Rashford; Ibrahimovic.

Keyd: Romero, Fosu-Mensah, Marcos Rojo, Carrick, Fellaini, Young, Rooney.

Leicester City: Zieler, Simpson, Huth, Morgan, Fuchs, Mahrez, Drinkwater, Amartey, Albrighton, Slimani, Vardy.

Keyd????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here