Deg-Deg:- Nin dhimirka looga jiro Oo cunug uu dhalay ku dilay Muqdisho Waalidkiisana dhaawac u geystay

0
216

Mudhisho(Radio cadaado);-Xaafada Waxar Cadde Ee Degmada Hiliwaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dhacdo ay aad uga naxeen dhamaan Dadka Deegaanka iyo intii ay maqal ahaanba u gaartay.

Nin maanka looga jiro ayaa Xaafada waxar cade ku dilay ilmo yar oo uu dhalay isaga wuxuuna dhaawac culus u heystay labadii waalid ee isaga dhalay oo iyaguna araga la’aa (Indhooleyaal)

Goor dambe oo uu falkaasi geystay ayey dadka Deegaanka arkeen isaga oo gacmaha dhiig ku leh isla maarkana dhex socda xaafada!

Durbadiiba waxey war galiyeen CIidamada Ammaanka markii ay meesha soo gaareen ayey in ay gacanta ku dhigaan ayuu la dagaalamay CIidamadii taasina waxey dhaxal siisay in ay ka dhaawacaan gacanta,

Ugu dambeyntiina gacanta ayey ku dhigeen Nimkii maanka looga jiray ee ilmaha yar ee uu dhalay dilay soona dhaawcay waalidkiisa oo araga la’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here